Cristiano Ronaldo Oo Barbareeyay Rikoodhkiisii Goolasha Xilli Ciyaareedka kaliya Ee Horyaalka La Liga.

(Berberanews Sports):- Seddexleey uu Cristiano Ronaldo dhaliyay ayaa ka caawisay Real Madrid inay garaacdo xalay Atletico Madrid, iyadoo u ogolaatay in ciyaaryahanka reer Portugal uu barbareeyo rikoodhkiisii uu dhigay xilli ciyaareedkii hore ee uu ku dhaliyay 40 gool oo horyaalka La Liga ah.
Si kastaba, intaas kaliya ma ahan tirooyinka la taaban karo ee ka soo baxay xalay xiddigii hore ee laacibka sannadka adduunka.

– Cristaino Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ugu yaraan 40 gool labo xilli ciyaareed oo isku xigta ka dhaliyay shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub (ENG, ESP, GER, ITA, FRA).
Waxa uu ka gudbay goolashiisa nus qarniga ah ee 50 gool, isagoo dhaliyay haatan tartamada oo dhan 52 gool, waxaana uu hal gool u jiraa goolashiisii ugu fiicnaa ee 53 gool oo uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay.
Waxa uu dhaliyay seddexleydiisii 7aad ee ciyaar rasmi ah xilli ciyaareedkan, waana ciyaaryahanka kaliya ee hal xilli ciyaareed dhaliyay 7 seddexleey horyaalka Spain.
Ronaldo ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda La Liga ee 20 gool ku soo dhaliya meel ka baxsan garoonka kooxdiisa hal xilli ciyaareed.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports