Roberto Mancini: Ka Hadhidii Aan Ka Hadhnay Europa League Eedeeda Aniga Ayaa Iska Leh.

(Berberanews Sports):- Roberto Mancini ayaa raaligelin siiyay taageerayaasha Manchester City ka dib markii ay ka hadheen Europa League oo Sporting Lisbon ay bedelkooda u soo gudubtay wareega 8da.

Manchester City ayaa kulankii xalay labo gool oo looga hormaray ku bedeshay 22 daqiiqo gudaheed qeybtii danbe ee ciyaarta seddex gool.

Lakiin waxa ay ku hadheen sharciga goolasha martida madaama kulankii lugta hore looga soo badiyay 1-0, waxaana haatan u furan kaliya tartanka Premier League oo ay isku hayaan kooxda iyadana ay isku mid ka yihiin dhanka tartamada yurub ee Man United.

“Aad ayaan u murugeysanahay sababtoo ah waxaan sameeyay qaladaad, waana raaligelinayaa taageerayaasha” ayuu yidhi tababaraha City.

“Ciyaartoyda waxa ay sameeyeen wax walba, garoonka dhexdiisana waa ay ku dagalaameen”

“Marka aanuu tababare si fiican isagu soo diyaarin ciyaar, tan oo kale ayaa dhacda. Marka kulan la iga badiyo waxaan ka fekeraa sababtoo la iiga badiyay iyo qaladaadkii aan sameeyay”.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports