Wakhtiga Wasiirka Maaliyaddu hortagayo Golaha Wakiillada oo la muddeeyey iyo Mudanayaasha oo loo qaybiyey Shaxda Miisaaniyadda 2012-ka

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay Oddoroska Shaxda Miisaniyadda dawladda ee Sannadkan 2012-ka, ka dib markii ay Golaha Wasiirradu soo ansixiyeen Isniintii toddobaadkii hore.

Fadhigii maata ee Wakiillada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa furitaankii fadhiga ka dib, waxa uu Guddoomiyuhu hadal kooban u jeediyay Xildhibaannada madasha ka soo xaadiray, waxaanu ku wargeliyey in maalinta Isniinta ee toddobaadkan uu golaha hor iman doono Wasiirka Wasaarrada Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, si uu tafaasiil uga bixiyo oddoroska Miisaaniyadda 2012-ka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxaa kale oo uu u soo jeediyay Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada in muddo hal toddobaad ah ay ku soo ururiyaan Warbixinta Miisaaniyadda si markaas ka dib loo gudo-galo doodda Miisaaniyadda.

Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2012 ayaa dhan Lix boqol iyo Sagaal iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol iyo Sagaal iyo Lixdan Malyuun, Laba boqol iyo Afartan Kun iyo Afar boqol iyo Todobaatan Shilling Somaliland, taas oo u dhiganta lacag ku dhow 100 Malyan oo Doollar, isla markaana ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore ee 2011 23.19%.

Si kastaba ha ahaatee, Miisaaniyad-sannadeedka 2012-ka oo tii sannadkii hore ka badan, isla markaana Wasaaradda Maaliyadda ku muddo-dhaaftay xilligii ay ahayd inay Golaha Wakiillada u gudbiyaan, ayaa Isniintii toddobaadkii hore Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ku ansixiyeen fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesen.

Berberanews.com

Hargeysa/Somalilan.