Madaxweyne Silaanyo muxuu kala soo Guryo noqday Shirka London?

 Hargeysa-(Berberanews)-  “Arrimaha lagu soo qaadayay Shirkii London dabcan waa lagu soo qaadayay arrimaha Soomaaliya, waa laga waramay in mustaqbalka Somalia iyo Somaliland wada hadlaan. Waxaanu u qaadanaynay ma aha in Somalia oo la isku noqonayo ma aha. Somaliland oo qadiyadeeda haddii ay horeyso iyo dambaysaba goonideeda u go’an weeye oo siday tahay u sheegaysa oo u soo bandhigaysa dunida iyo cidii timaadaba.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa manta ugu waramayay Saxaafadda , ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada London ee uu kaga qaybgalay shirkii London ee Somalida iyo in ka badan 50 madaxda dalalka caalamka ah.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay midho dhalka shirkii London iyo guulaha ay kala soo guryonoqdeen,  “Shirarkaas aanu ka qeyb galay qadiyadda Somaliland ayaanu soo bandhignay, mudaharaadkii aanu u soo baxnay iyo taageeradaasi badan ee aanu ka helay Guddo iyo dibadba. Waxaanu aragnay dawladdo faro badan oo kala gooni gooni ah oo aan xidhiidh la yeelanay. Waxaan leeyahay shirkaasi caam ahaan wuxuu ahaa shir aad iyo aad u faa’iido badan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Silaanyo waxa uu ka hadlay kulamadii dhexmaray Dawladda Ingiriiska, waxaannu yidhi,  “Dawladda Ingiriiska oo iyaduba marka horeba balan qaaday inaanu is arag gooniya yeelan doono, iyaguna mucaawimooyin badan oo wax ku ool ah ayay balan qaadeen oo ay u fidin doonaan Somaliland Haddii ALLE ka dhigo. Waxaanu is aragnay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka qaabilsan mucaawimooyinka. Markaa caam ahaan marka la soo koobo waxaan odhanayaa shirkaasi wuxuu ahaa mid aad loogu soo guulaystay oo aad Somaliland u soo bandhigtay danaheeda, waxyaabaha ay qabsatay iyo aayaha mustaqbalka ay rabto.”

Madaxweynaha Somaliland waxa madaarka Hargeysa  ku  soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Xildhibaano, Maareeyeyaal iyo dadweyne tiro badan. Madaxweynuhu wuxuu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana safarkiis ku weheliyay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland