Ciidammada AMISOM iyo Kuwa dawladda Soomaaliya oo goobo hor leh ka qabsaday Al-Shabaab

Muqdisho-(Berberanews)- Ciidammada dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM, ayaa maanta la weerar ku qaaday Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku haysay Malleeshiyada Al-Shabaab, iyagoo la wareegay halkaas oo ka mid ahayd goobaha yar ee ay kooxdaasi kaga sugnayd Muqdisho.

Col. Cabdillaahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Ciidammada weerarka ku qaaday Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa sheegay inay ciidammadu dhowr jaho ka weerareen xaafaddaas, isagoo xusay inay inta badan deegaankaas la wareegeen. “Waxay dagaallo culus ka dhaceen badhtamaha xaafadaha, balse ciidammadu waxay ka soo galeen deegaankaas dhowr jaho, waanay ku guuleysteen inay inteeda badan gacanta ku dhigaan.” ayuu yidhi Col. Cabdillaahi  Caanood oo la hadlay Saxaafadda isagoo xilligaa ku sugnaa meel ku dhow daarta Maslax oo ku taalla jidka taga degmada Balcad.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM uu qorshahoodu yahay inay dhammeystiraan wejiga koowaad ee howlgalkooda Muqdisho, isagoo intaa ku daray inaanay jirin goob kale oo ay xilligan ku wajahan yihiin. “Go’aanku wuu dambeeyaa, balse qorshaheenna hadda waa inaan dhammeystirno gacan ku haynta Muqdisho oo dhan.” ayuu Taliyuhu u sheegay warbaahinta, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ku dhexmaray Ciidammada Dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab waxaana dagaalkani qayb ka yahay dagaallo soo socday tan iyo bishii October ee sannadkii hore, kuwaasoo dawladda iyo AMISOM ay isugu ballaadhinayeen caasimadda. Malleeshiyaadka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka ciidammada dawladda oo garabsanaya AMISOM ay kaga qabsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa magaalada Muqdisho.

dhinaca kale, Taliska Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga hadlay dagaalka ay ciidamadooda iyo kuwa Dawladda Ku-meel-gaadhka ah kula galeen shalay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidammada isbahaysanaya ay Al-shabaab ka qabsadeen qaybihii ay kaga sugnayd waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Maslax iyo suuqa Xoolaha. “Howlgalka waxaa qayb ka ahaa ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, waxayna ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan illaa dhismaha Maslax oo duleedka Waqooyi ee Muqdisho ku taalla. Howlgalkan wuxuu muhiim u yahay sugidda ammaanka Muqdisho. Waa mid suurogal ka dhigaya inay dadku dib ugu laabtaan guryahooda ayna noloshooda maareeyaan. Waxaan kula talinayaa qof walba oo Soomaali ah nabaddana jecel inuu qaybtiisa ka qaato soo celinta nabadda” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka AMISOM.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in qorshahan uu qayb ka ahaa qorshayaal lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka dadka ku nool xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.,” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri taliyaha AMISOM, Jen. Fred Mugisha.

Laguma sheegin warsaxaafadeedka khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo uu dagaalkani dhaliyay, iyadoo goobaha lagu dagaallamayay ay hore uga barakaceen shacabkii deggenaa. Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in tallaabadan Al-shabaab looga qabsaday qaybaha Waqooyi ee ay Muqdisho kaga sugnaayeen uu imaanayo xilli toddobaadyo ka hor laga saaray qaybo kale oo ay kaga suganaayeen duleedka Koonfureed ee Muqdisho..

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.