Tobabaraha Kooxda Manchester City oo taageerayaashiisa ka raalligelitayay guul-daradii soo waajahday

Manchester-08,Dec,2011-(Berberanews)- Tababaraha  kooxda Manchester City Roberto Manicini ayaa raali gelin ka bixiyey ka hadhitaanki koobka u xamaasada iyo qiimaha badan Aduunka ee Championka League.

Tababarahan ayaa aaminsan in nasiib daroada ku dhacday kooxdiisa ay ugu wacneyd ka hadhitaanka  Championka iyo iyagoo ku jiray guruub aad u adag, balse ay sannadka danbe dadaali doonaan.

Kooxda Man City oo 2 – 0 kaga badisay Bayern Munich xalay ayaanan ku filneyn inaay u soo baxdo Champion Leagaha maadaama kooxda Napoli oo dhibic ka horeeysay ay lafteeda badiyeen taasoo waxba kama jiraan ku tilmaantay guushii Man City.

Mancini ayaa u hambalyeeyey kooxda Napoli isagoo sheegay inay ka dhex baxeen guruub aad u adkaa isagoo kooxdiisa ku tilmaamay min kordhisay qaab ciyaareedkeeda. “Mar walba waxaan nahay koox wanaagsan, oo cajiib ah, waan ka xumahay ciyaartooydeeyda iyo taageerayaasheydaba inaay ka hareen Championka waxayna u qalmeen inaay kasii ciyaaraan koobkaan laakin taasi ma dhicin.” ayuu ku calaacalay Roberto Mancini.