Xumuumadda Siilaanyo oo Rajo Xumo ka Muujisay in Dawladda Ingiriisku Hormuud ka Noqoto Aqoonsiga Somaliland Iyo caqabado ka horyimi Heshiisyadii Maalgashiga Ee Ethiopia iyo Shiinaha

London, 27, Nov, 2011- (Berberanews)- Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa rajo xumo ka muujiyey inay yar tahay fursadda dawladda Ingiriisku ugu dhiirran karto inay hormuud ka noqoto aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah

waftiga Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo ee booqashada ku tagay dalka Ingiriiska, haatanna kun sugan waddanka Jabuuti, ayaa daboolka ka qaaday inay yartahay fursada dawladda Ingiriisku ugu horayn karto aqoonsi diblomaasiyadeed oo loo fidiyo Somaliland, isaga oo tilmaamay inay jiraan masuuliyiin Ingiriis ah oo dano gaar ah ka leh mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, kuwaasoo uu xusay inay u hawlgeli doonaan sidii xoogga loo saari lahaa in qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland laga dhaadhici dalalka Afrika.

 “Waannu soo dhawaynaynaa taageerada ay na siiyaan saaxiibadayada Ingiriisku, laakiin waxaannu ka warqabnaa in qaar ka mid ah masuuliyiinta Ingiriisku ay dano ka leeyihiin gobolka, halka mararka qaarna aanay wax xiiso ahba u hayn, waxayna ka dhigan yihiin sidii iyagoo sugaya inay kaalin muhiim ah ku yeeshaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo magaalada London waraysi ku siiyey suxufi la yidhaa Mark T. Jones oo ka tirsan shabakadda qorta wararka luqadda Ingiriisiga ah ee Somalilandpress.com

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu waraysigan ku sheegay in safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya uu kaalin fiican ku leeyahay arrimaha Somaliland, balse waxa wasiirku xusay in markay timaad qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay dawladda Ingiriisku ka gaabinayso siday kaalin fiican oo bilow ah uga qaadan lahayd arrintaas, isagoo tibaaxay inay aad u yar tahay fursadda loo haysto in dawladda Ingiriisku ku dhiirato sidii ay bar bilaw ugu noqon lahayd qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Wasiirka Arrimaha Dibaddu caddeeyey in loo baahan yahay sidii xoogga loo saari lahaa dalalka Afrika, isla markaana looga dhaadhicin lahaa qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, isaga oo tilmaamay in aanay ilaa hadda xukuumadda Somaliland si xooggan awoodda u saarin inay dalalka Afrika la samaysato xidhiidho diblomaasiyadeed iyo mid dhaqan, basle waxa uu sheegay in qurbo-jooggu door fiican ka qaataan ololaha loogu jiro sidii Somaliland dunida uga heli lahayd aqoonsi.

“Waa muhiim in aannu xirfad sare iyo aqoon u lahaano sidii aanu fariinta Somaliland u iibgayn lahayn, una gaadhsiin lahayn meelaha lagu gaadho go’aamada caalamka,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kaloo uu waraysigan ku sheegay in caqabado badan ka horyimaaddeen wadahadallo lagu doonay in dalka Shiinuhu maalgashi ku sameeyo dekedda magaalada Berebra, kaasoo qayb ka ah heshiish Somaliland, Itoobiya iyo dalka Shiinuhu isla qaateen oo la xidhiidhay ballaadhinta dekedda Berbera. “Somaliland waxay u jeelan tahay horumarin dhab ah, waxayna doonaysaa inay soo jiidato maalgashadaayasha dunida, wadahadalladii noo socday dalalka Itoobiya iyo Shiinuhu waxay ahaayeen kuwo kala duwan; mid waxa uu u dhexeeyey Somaliland iyo Shiinaha, midna wuxuu ahaa Itoobiya iyo Shiinaha. Way jiraan arrimo la isla gaadhay, haseyeeshee wadahadalladii waxay noqdeen kuwo adag oo ilaa hadda socda,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi

Wasiirku waxa uu caddeeyey inay jiraan caqabado aannu magacaabin oo ka horyimi wadahadallada saddex-geesoodka ah ee u socday dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Shiinaha, laakiin waxa uu tilmaamay in maalgashadayaasha Shiinuhu muhiim u yihiin mashaarciida lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu sheegay in dawladooda dhibaato ka haysato sidii cashuurta ku waajibtay looga qaadi lahaa shirkadaha waaweyn ee dalka, “Shirkadaha waaweyn si fiican cashuurta uma bixiyaan, dhibaato ayaana ka jirta sidii cashuurta loo ururin lahaa, waana mid adag. Hannaankayaga dakhli-ururinta dib-u-habayn baa lagu sameeyey, waxaanuna nasiib u yeelanay in saaxibbo reer Tansaaniya ah ay naga caawinayaan tababarka arrimahan,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo waraysi khaas ah siiyay Jamhuuriya.

Xigasho Jamhuuriya