Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo shaaca ka qaadday in dalka laga bilaabayo olole socon doona 16 Cisho oo xidhiidh ah

Ceerigaabo-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa shaaca ka qaadday inay Xukuumadda, Hay’adaha la shaqeeya ee Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga iyo Ururrada Bulshada ee waddaniga ahi 16 maalmood oo xidhiidh ah wadayaan olole lagu xoojinayo dhawrista Xuquuqda Aadamaha, iyada oo xoogga la saarayo joojinta tacaddiyada lagula kaco Haweenka.

Sidaa waxay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ku sheegtay Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabtay magaalada Ceerigaabo oo ay toddobaadyadii u dambeeyey safar shaqo ku joogtay. Waxaanay qoraal dhinacyo badan oo ay Shirkeedaa Jaraa’id ka akhriday ku sheegtay Wasiirku in la bilaabayo 16 cisho oo loogu ololaynayo Xuquuqda aadamaha, dadka aan laxaadka lahayn, Haweenk iyo Carruurta, iyada oo xustay in hal-ku-dhegga sannadkan la qaatay yahay halla joojiyo tacaddiga Dumarka. Waxaan qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland iyadoo ay wada shaqaynayaan , hay’adaha kale ee dawliga ah , hay’adaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Ururrada bulshada waxay qaadi doonaan 16ka cisho ee soo socda olale lagu xoojinaayo dhawrista xuquuqda aadamiga iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo in la joojiyo dhammaan tacadiyada ka dhanka ah Dumarka (16 days activism on gender based violence(GBV).

Olalahaasi wuxuu bilaabmi doonaa maanta (Shalay) oo bishu tahay (ahayd) 26-ka November 2011, waxaanay dhammaan doontaa 10-ka December 2011 oo ku beegan maalinta xuska Xuquuqul Iinsaanka Dunida oo si wayn looga xusi doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waa Wasaaradda hormuudka u ah una qaabbilsan Qarankan Somaliland samaynta, horumarinta iyo dhaqan-gelinta siyaasadda Qaran ee lagu horumarinayo bulshada reer Somaliland, sidoo kalena lagu difaacayo qaybaha bulshada ee nugul sida Carruurta, Dumarka, dadka da’da ah, kuwa laxaadka la’; ama maskaxda ka jirran, kuwa laga tirada badan yahay iyo dhammaan qaybaha Bulsho ee u baahan fiiro gaar ah iyo daryeel intaba.

Waxaa kale oo Wasaaraddu ka shaqaysaa u doodista xuquuqda qaybaha Bulsho ee u baahan in la difaaco danahooda iyo sidii Bulshada ay ugu wacyigelin lahayd inay dadkaasi helaan xuquuqdooda iyo daryeel koodaba. Sidoo kale waxay Wasaaraddu u xilsaarantahay soo saarista iyo hiregelinta shuruucda iyo xeerarka lagu difaacayo qaybahaas nugul ee Bulshada ka midka ah.

Sidaas aawadeed Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo Qaranka uga masuul ah samaynta iyo ku dhaqanka siyaasadda lammaanaha ee Somaliland (The Gender National Policy), waxay  Wasaaraddu ahmiyadda koowaad siisay siyaasadda lammaanaha Somaliland in la joojiyo oo la xakameeyo tacaddiyada ka dhanka ah Dumarka, taasoo ku salaysan in la faro-xumeeyo, in la jidh-dilo, in la maskax-dilo, in la bah-dilo ama la niyad-jebiyo, iyo in la yareeyo dhacdooyinka ka dhanka ah xuquuqda Haweenka sida kufsiga iyo dagaalka ka dhaca guryaha( reducing incidents of rape and domestic violence).

Siyaasadda lammaanaha Somaliland waxaa la sameeyey sannadkii 2008kii, waxaana horumarin lagu sameeeyey 2009kii, markii Xukuumadda KULMIYE ee uu gadhwadaha u yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada la wareegtayna waxay markiiba xoojisay oo ay derder-gelisay siyaasaddii lammaanaha. Waxaana Xukuumaddu ku dhiirigelisay Ururrada Bulshada, Ururrada Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba inay wadashaqeyn sameeyaan oo la abuuro Dallad ay ku midoobaan hay’adaha ka hawlgala joojinta xad-gudubyada ka dhanka ah Dumarka (Gender Based Violence Working Group), taasoo ay hay’adda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR ay hormuud u tahay.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxa kale oo ay bishii June 2011 samaysay Dalladda ururrada ka shaqeeya joojinta gudniinka fircooniga ah ( FGM working group) oo ay xubno ka yihiin ururrada Haweenka ee ka hawlgala joojinta gudniinta fircooniga.

Waxaana Wasaaraddu ka shaqaynaysaa sidii gebi ahaanba loo joojin lahaa isticmaalka gudniinka fircooniga ah, waxaana hadda Wasaaraddu ay bilawday habkii loo cidhib tiri  lahaa gudniinkaas fircooniga ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda Aadamaha Isla markaasna dhaawacyo halis ah oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba soo gaadhsiiya Haweenka. Waxaanan ka codsanayaa in bulshada reer Somaliland ay joojiyaan ku dhaqanka gudniinka fircooniga ah oo dhibaato  badan oo caafimaad gaadhsiiya Dumarka.

Iyadoo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ka duulaysa arrimahaas aan kor kusoo sheegnay, waxay qaban qaabisay shirar kala duwan oo loogu diyaar garoobayo qaban qaabada 16ka cisho ee olalaha  xuquuqal iinsaanka waxaanan ku faraxsannahay in la sameeyey Guddi Qaran oo ka kooban 13 xubnood oo isugu jira hay’adaha dawliga ah, kuwa jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, ururada bulsho ee Somaliland iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland.  Olalahan 16 ka cisho oo ay hormuud u noqon doonto Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay ka codsanayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u hawlgalaan Guddidaas Qaran ee innoo suurtagelin doonta qaban qaabada olalahan.

Olalahan oo lagu qaban doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaan ka codsanayaa dhammaan hay’adaha Qaranka ee ay khusayso, Saxaafadda madaxa-bannaan, ururrada bulshada iyo dhammaan shacabka Somalilandba inay gacan ka geystaan olahahaas lagu xoojinaayo xuquuqul insaanka sidoo kalena lagu dhiirigelinayo in la joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah  Haweenkeena oo ah Hooyooyinkeenna aan jecelnahay.

Waxaanan soo dhawaynayaa taladii la soo jeediyey ee la xidhiidhay in la fududeeyo guurka si loo dhiirrigeliyo in dhalinyaradu is guursato oo loo abuuro qoysas cusub, taasoo la soo jeediyey in la dhimo qiimaha Gabbaatiga Inanta lagu doono marka loo fadhiisanayo. Waxa kale oo aan codsanaynaa in iyana talada lagu daro in Raggu uu kasoo baxo masuuliyadda fuushan markuu yeesho Xaas iyo Carruur oo Raggu ay dammaanad qaadaan daryeelka iyo masruufka Dumarka iyo Carruurta oo ah masuuliyad mar kastaba si gaar ah u saaran Ragga. Tan oo  aan u arko arrin habboon in la dhiirigeliyo mar kasta oo laga hadlaayo mawduucan.

Waxaan ogsoonahay in horumarka bulsho ee Somaliland  ay caqabad ku tahay Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah, taasoo wiiqday awooddii dhaqaale ee Xukuumadda dhexe ee Somaliland. Waxaanan ogsoonnahay in dadka ugu badan ee arrintani ku keentay saamaynta ba’an ay yihiin Dumarka, Carruurta, dadka laxaadka la’, kuwa da’da ah iyo qaybaha kale ee bulshada ee nugul. Waxaanan ugu baaqayaa bulshada caalamka inay dib u eegan siyaasadda ku aadan Somaliland oo ay siiyaan aqoonsi buuxa si ay xukuumaddu u hesho awood ay ku daryeesho qaybaha bulsho ee nugul ee u baahan in lasiiyo fiiro gaar ah. Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu inoo hawlyareeyo olalahaas ballaadhan ee lagu xoojinaayo xuquuqul iinsaanka. Waxaanan ugu danbayn idiin rejaynaa guul,  horumar, bash bash iyo barwaaqo.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.