Dawladda Pakistan oo ka jawaabtay Weerar ku dhawaad 30 Askari ay kaga dileen Ciidammada NATO

Islamabad-(Berberanews)- Ciidammada Militeriga Waddanka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 26 ka tirsan Askartooda lagu dilay weerar ay Sabtidan maanta qaadday dayaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) oo ay leeyihiin NATO meel u dhaw soohdinta dalka Afghanistan.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in weerarku ahaa mid aanay waxba sababin, isla markaana aan digniin lahayn. Dowladda Pakistan ayaa hadda waxa ay amartay in la xidho jid muhiim ah oo sahayda laga siiyo Ciidammada NATO ee ka dagaallamaya dalka Afghanistan.

14 Askari ayaa ugu yaraan ku dhaawacmay weerarkaas, 26-ka dhintay mooyaane sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Khyber Pakhtunkhwa Mr Syed Masood Kausar. “Waa dhacdo wayn, fal-celintuna way caddahay.” ayuu yidhi Badhasaabka oo caawa Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Islamabad ee Caasimadda dalka Pakistan.

Raysal-wasaaraha Pakistan Yousuf Raza Gilani, waxa uu ku baaqay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaaddaan Madaxda Milateriga dalkaasi, si ay u naaqishaan jawaabta dalkiisu ka bixinayo weerarka xulufada NATO ku dileen 26 Askari, labaatan ku dhawaadkuna ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeenka Raysal-wasaaruhu.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in weerarkani uu sii xumeyn karo xidhiidhka labada waddan ee Pakistan iyo Mareykanka oo awalba aan isku wanaagsanayn.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.