Baarlamaanka puntland oo ansixiyey xeer hoosaadka golaha puntland

Puntland-(Berberanews)- Barlamaanka dawlada puntland ayaa maanta meel mariyay xeer hoosaadkii golaha oo in mudo ah doodiisu ay ka socotay guduha golaha baarlamaanka Puntland. 
Fadhiga golaha baarlamanka puntland ayaa maanta waxaa soo xaadiray 45 xildhibaan iyadoo 38 ka mid ah ay ogolaadeen in la ansaxiyo xeer hoosaadkaas isla markaana uu dhaqan galo xeer hoosaadka golaha barlamaanka puntland .
xeer hoosaadka ay maanta meel mariyeen golaha barlamaanka puntland ayaa ka kooban 30 qodob oo quseeya golaha wakiilada puntland sida uu sheegay gudoomiyaha golaha wakiilada puntland cabdirashid maxamed xirsi oo la hadlay saxaafada markii uu soo dhamaaday kulankii barlamaanka maanta .
Gudoomiyaha ayaa sheegay in barlamaanka puntland uu horay ugu shaqayn jiray 20 qodob oo ku meel gaar ah waxaana dood dheer iyo fikiro laka duwan ka dib ay maanta isku raaceen inta badan golaha barlamaanka in la kordhiyo xeer hoosaadka golaha oo la gaarsiiyo ila 30 qodob.

meel marinta xeerkan ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xili lagu guda jiro kalfadhigii 27aad ee golaha barlamaan puntland oo dhawaan ka furmay magaalada garoowe waxaana la meel mariyay xeerar badan oo gaaraya ilaa lix xeer iyadoo kuwa kalana wali laga dooday
wakiilka Berberabews deegaaamada puntland 
Maxamed C.qaadir Cali
dacaryare22@gmail.com