Raysal-wasaare Dalayte oo dalka Djibouti ku soo dhaweeyay Madaxweyne Silaanyo

 Jabuuti,25,Nov,2011- (Berberanews)-Raysal wasaaraha Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta, ayaa galabta ku soo dhaweeyay gegida diyaaradaha Djibouti Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo oo muddo bilk u dhawaad ah safar-nasasho ah ugu maqnaa cariga Ingiriiska.

Madaxweyne Silaanyo oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Faysal Cali Sh. Maxamed waxay ka soo kicitimeen magaalada Addis Ababa oo ay soo gaadheen khamiistii, halkaasoo ay ka soo qaaday diyaarad khaas ah oo ay leedahay dawlada Itoobiya.

Soo dhawyanta Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa ka qaybqaatay  Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo boosaha Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin  Wasiirkii hore ee warfaafinta  Cali Cabdi Faarax iyo sidoo kale, masuulliyiin reer Somaliland ah oo u tegay Djibouti soo dhawaynta Madaxweynaha, kuwaasoo kala ah, Wasiiradda Madaxtooyadda iyo  Kuluumaysiga iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.

Madaxweyne Silaanyo waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda dalka Djibouti, kuwaasoo la filaayo inay ka wada hadli doonaan  dhamaystirka heshiisyo iskaashi ee ay labada dawladood kala saxeexdeen sanadkii hore iyo iskaashiga.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com