Madal loogu magacdaray ‘taageerada hooyada iyo dhallaanka Somaliland oo lagu qabtay magaalada London ee Dalka Ingiriiska

London-21, November, 2011-(Berberabews)- Ururka Haweenka Somaliland Women’s Association ee loo soo gaabiyo (SLWA) ee saldhigiisu yahay UK, ayaa habeen hore ku qabtay magaalada London madal loogu magacdaray “Taageerada hooyada iyo dhallaanka Somaliland” taasoo dhaqaale loogu ururinayay haweenka iyo ubadka jilicsan ee Somaliland.

Munaasibada waxa ka soo qaybgalay safiirka Somaliland u fadhiya UK mudane Axmed Adan Cumar (Sangoore), Abwaanka caanka ah ee Hurre Walanwal,  Gudoomiyaha ururka Somaliland west community, aqaanyahno , waxgarad iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku nool London.

 

Somaliland u fadhiya UK mudane Axmed Aadan Cumar (Sangoore) oo furitaankii munaasibadda hadal dheer ka jeediyay waxa uu hooyooyinka qurbaha u soo jeediyay inay ka ilaaliyaan isbedelka dhaqan ee ku yimaada ubadka yar yare e qurbaha ku nool, isagoo sheegay inuu sagaal sanno jiray markii qurbaha loo dhoofiyay, islamarkaana aanu afkii iyo dhaqankii toona ka habaabin, waxaannu yidhi, “Anigoo kale sagaal jir baan ahaa markii aan qurbaha imi, afkii iyo dhaqankii igama lumin, waxaan kula dardaarmayaa hooyooyinku inay ku dedaalaan ilaalinta dhaqanka ubadka yar yar.” Waxaannu intaa ku daray inay hooyooyinku ku dedaalaan waxbarashada ubadka.

Caasha Xuseen Maraykan

Gudoomiyaha ururka SLWA Caasha Xuseen Maraykan oo madasha ka hadashay, ayaa  u mahadcelisay dadkii ka soo qaybgalat mubaasibadda, waxaannay sheegtay in Ururka SLWA wax ka qaban doono dhinaca arrimaha bulshada waxaanna hadalkeeda ka mid ahaa, “Ururka SLWA waxa uu ku rajo weyn yahay inuu wax weyn ka qabto  arimaha Bulshada oo ay ka mid yihii Cafimaadka,Waxbarashada iyo arimo kale oo kala duwan, gaar ahaan haweenka iyo caruurta.

Sidoo kale, qaar kale masuulliyiintii iyo qaar ka mid ah haweenka ka soo qaybgalay munaasibaddi waxay ballanqaadeen inay hiil iyo hooba la garabtaaganyihiin ururka SLWA.

Waxa isaguna madasha gabay aad loo jeclaystay ka jeediyay Abwaanka weyn ee Hurre Walanwal oo aad looga yaqaaanno dhulka Soomaalidu degto.

 

Berberanews.com

London, Email, info@berberanews.com