Suxufi Ruug-caddaa ah oo daboolka ka qaaday in dadka iyo dalka Somaliland qarka u saaran yihiin inay u gacan-galaan Koox Ganacsato ah

“Markaa, Burburkii muu ahayn Daaraha oo keliya ee waxa burburay dhaqankii iyo nidaamkii, Saxaafadduna waata keliya ee iftiiminkarta dhibaatooyinka jira.”Suxufiga Ruug-caddaaga ah ee Xuseen Cali Nuur

Hargeysa-(Berberanews)- Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Odayaasha Ruug-caddaaga ah ee Saxaafadda Somaliland,  ayaa sheegay in dalka iyo dadka reer Somaliland ay halis ugu jiraan, isla markaana qarka u saaran yihiin inay u gacan-galaan Koox Ganacsato ah.

Suxufiga weyn ee Xuseen Cali Nuur waxa uu sheegay in markii la qaxay waxa keliya ee burburay aanay ahayn dalka, hase ahaatee, nidaamkii dawladnimo iyo dhaqankii bulshadu-ba ay iyaguna burbureen, aan dhibaatadii soo gaadhay dhaqanka weli laga soo kaban. “Waxa meesha taallaa waxa weeyaan dalkeennan burbur xoog le ayaa gaadhay oo dhammaystiran, burburkaasi kuma saabsanayn oo kaliya in hantidii iyo dadkii la laayo, laakiin dhaqanka laf ahaantiisii ayaa burburay, dawladnimadii iyo maamulkeedii ayaa baabay, isla markaana lama helin wax kaalmo ah oo dibadda ah oo sidii yurub markay baabaday dib u soo nooleeya.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur oo shalay hadal ka jeediyey kulan ay Suxufiyiinta Hargeysa ugu qabteen Guddiga maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Waxaanu Xuseen oo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey; “Waxay taasi dhalisay in 20 sano ee dalku xorta ahaa oo idil waddadii lala haa ha maro aanu sidii loo baahnaa u marin. Haddaba waxa jirta 20-kaa sano ee la soo dhaaftay tubta aynu qaadnay waxa uu ahaa in qof waliba dalka wax u qabto, hase ahaatee sidii la doonayey ma u fushay mise maya?.”

“Arrintan musuqmaasuqu waa arrin aad u ballaadhan oo haddii siday tahay looga hadlo aan hal tabobbar, laba iyo saddex midna lagu dhammayn karin. Dhaqanka bulshada maanta ee reer Somaliland shacbi ahaan, maamul ahaan, Saxaafad ahaan, ganacsi ahaan iyo dhinac kasta oo aynu ka eegno waxyaabo badan baa ka dhiman, waxaas waxa dhici karta inay qaar ugu talagaleen inuu sidaas u socdo dalku, qaarna waxa suuragal ah inay aqoon-darro ka tahay.” ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.

Xuseen Cali Nuur mar uu ka hadlayey inaanu muuqan la-xisaabtankii loo baahnaa inuu muuqdaa aanu Somliland weli ka jirn, waxaanu yidhi; “Laakiin, waxa meesha yaallaa waxa weeye inaanay meesha ka muuqan in si dhab ahaan ah loo xisaabtamo, oo si dhab ahaana loogu dhaqmo waxa la dhigtay. Maamul-wanaag waxa la helaa marka waxan la qabanayo qofka xilka la saaray ogyahay waxa loo xil-saaray, sida  loogu talagalayna uu u filiyo.”

“Markaa, Burburkii muu ahayn Daaraha oo keliya ee waxa burburay dhaqankii iyo nidaamkii, Saxaafadduna waata keliya ee iftiiminkarta mushkilahadda iyo dhibaatooyinka jira.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur. Xuseen waxa uu inta ku daray oo yidhi; “Dalkani wuxuu ku sii socdaa oo uu qarka u saaran yahay inuu gacanta u galo koox Ganacsato ah, maaha in aan waxba laga qaban karin oo dawladdu waxba ka qaban kari weyday. Laakiin, waxa jirta habrasho, intii la sameeyay Hay’addan (La-dagaallanka Musuqmaasuqa) wax badan ayaa qabsoomay oo ay ka shiftay, wax badanina waa qabyo oo way sugayaan.”

Guddoomiyaha Guddida maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar, ayaa qiray doorka Ganacsatada ee uu tilmaamay Xuseen Cali Nuur, isla markaana wuxuu carrabka ku dhiftay inay dedaal baddan sameeyeen muddadii ay Hay’addoodu jirtay, hase ahaatee, aan weli wax badan la qaban.

Xigasho Wargeyska Ogaal.