Safiirkii Somaliland ee Kenya oo Geeriyooday iyo xukuumadda oo tacsi u dirtay

 

Kenya-20,November,2011-(Berberanews)-Alla ha u naxariistee safiirkii Somaliland u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indha-buur), ayaa maanta ku geeriyoodey cisbitaal ku yaal magaalada Nairobi oo muddooyinkii u danbeeyay u jiifay xannuun.

 

Marxuum Maxamed Axmed Nuur xilkaas hayay muddo dheer waxa uu kaalin mug leh kaga jiray xidhiidhka dumlomaasiyadeed ee Somaliland, Kenya iyo dalalka reer galbeedka ee safaaradahoodu ku yaalaan magaalada Nairobi, waxaannuu caan ku ahaa difaaca qaddiyadda Somaliland, isagoo ka dhexmuuqan jiray munaasibadaha dabaaldegyada xusaska Somaliland ee ka dhaca Kenya.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa tacsi u diray ehlada iyo qaranka uu ka baxay Safiirku, “Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylic) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii Asxaabtii iyo Shacbiga Reer Somalilandba isaga oo ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Somaliland u fadhiyey Wadanka Kiiniya MARXUUM MAXAMED NUUR AXMED INDHO-BUUR oo maanta ku geeriyooday Nairobi.

 

Madaxwayne ku xigeenku  waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacabka reer Somaliland-na ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

 

 

 

Bahda shebekadda Berberanews waxay tacsiyadaynayaan ehlada, qaraabadda, asxaabta iyo qaranka uu  ka baxay Safiirkii Somaliland ee daka Kenya Marxuum Maxamed Axmed Nuur, Ilaahay naxariistii janno ka waraabiyo.

 

 

 

Berberanews.com