Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Qaramada Midoobay ka socda oo kulan yeeshay iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  (Saylici), oo ay weheliyaan Wasiirro Xukuumadda ka tisani ayaa maanta kulan la yeeshay Wefti uu hoggaaminayo Isu-duwaha Deeqaha ahna Xidhiidhiyaha Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mark Bowden oo maanta dalka yimi.
Mark Bowden iyo Weftigiisa oo kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda iyo nuxurka kulanka ay maanta wada yeesheen Madaxda Somaliland.
“Si masiibooyinka iyo arrimaha khatarta ah loo maamulo sanadaha soo socda.waxaanu rajaynaynaa in ay bilaabmaan bisha January ee sanadka dambe, qorshe Somaliland u ogolaanaysa inay yeelato goob ka hor tagta oo digniino ka bixisa oo maamusha abaaraha ka dhaca Somaliland jawaabna ka bixisa.” sidaa ayuu yidhi Mark Bowden oo Saxaafadda la hadlay markii kulanku dhammaaday.

U qaabbilsanaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay inay mashaariic horumarineed oo kala duwan ka hirgelin doonaan dalka Somaliland, waxaanu yidhi; “Sidoo kalena waxa ay noqon doontaa mid diirada saarta ama koox balaadhisa sanadada soo socda, taasina ay tahay waxa isku kaaya xidhaya barnaamijyada aanu bilaabayno badhtamaha bisha December. Waxaana jiri doona 93 Mashruuc oo Somaliland laga hirgalinayo kaas oo si adag diirada u saaraya Beeraha iyo dhinaca horumarinta hab nololeedka dadka.”
“Marka aan ku noqdo Nairobi waxaan filayaa inaan la kulmi doono oo aan kala hadli doono deeqbixiyeyaasha muhiimada taageerada waxqabadyada wakhtiga dheer ee Somaliland, taas oo ku taxaluqda heerka dhaqaalaha xoolo dhaqatada iyo in la siiyo daryeel dadka ka soo barakacay Abaaraha iyo in Abaaraha ku sii kordhaya Somaliland wax laga qabto todobanka sanadood ee soo socda.” Ayuu yidhi Mark Bowden.
Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland ayaan dhinaceeda illaa hadda aan wax war ah ka soo saarin ujeeddada Weftigaas iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen. Waxaana ku weheliyey kulanka uu Weftigaa la yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Qorshaynta Qaranka  Sacad Cali Shire.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.