Dawladda Kenya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 25-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab

Nairobi-(Berbernews)- Dowladda Kenya ayaa caddaysay inay dishay in ka badan 25-dagaalyahan oo ka tirsan Xoogagga Malleeshiyada Al-Shabaab ee ay ku dagaallamayaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee dawladda Kenya Cyrus Oguna ayaa maanta sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ay dileen in ka badan 30-dagaaliyahan oo ka tirsan Al- Shabaab, isagoo dhinaca kale tilmaamay inay ka qabsadeen saanado Milatari.
Col.Oguna ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in uu xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeyo shacabka ku nool  Koofurta Soomaaliya iyo ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan goboladaasi, waxaana uu sheegey in dadka ay  siiyaan Raashin iyo daawooyin.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay daciiftay awooddii ay lahaayeen, waxana uu ugu baaqay Hay’adaha gar-gaarka inay soo gaadhaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamadooda ee Koofurta dalka Soomaaliya‘Xidhiidhka ka dhaxeeyo ciidamadeena  iyo shacabka waa mid aad u wanaagsan, waxaana ay nagu qabaan kalsooni balaadhan.
Taasina waa mida inoo fududeysay in aan raadsano xarakada Al-Shabaab. Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka ciidamada Kenya Col Oguna Afhayeenku waxa uu intaa sii raaciyey; “Ammaanka goobaha aan joogno waa mid aad u wanaagsan waxaan ka dalbaneynaa hay’adaha gargaarka inay yimaadaan halkan.”
Agaasime  ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Kenya Lindsay Kipteness ayaa waxa uu ka dalbaday wadamada ku mideysan Ururka IGAD in ay gar-gaar militari oo dheeraad ah la soo gaadhaan ciidamada Kenyaatiga ah ee ku sugan Koofurta Soomaaliya si ay ugu hortagaan xarakada Al-Shabaab.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.