Tirada iyo magacyada qaar ka mid ah Saraakiil Sarsare oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo Duqayn lagu laayey

Sh/hoose-(Berberanews)-Guddoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya Dr.C/qaadir Max’ud Nuur, ayaa sheegay in Gantaalo Ciidammada Kenya deegaankaa ku weerareen maalmihii u dambeeyey uu mid ka mid ahi ku habsaday Saraakiil sarsare oo Al-Shabaab ka tirsan oo halkaas ku geeriyooday.

 Kadib markii isbuucaani gudahiisa deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose lagu gaaracay ilaa 4-gantaal oo aan la’ogayn halka laga soo riday ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in gantaalladaasi ay ku geeriyoodeen Saraakiiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in markii gantaalladaasi lagu garaacyay deegaanada gobolka Sh/hoose lala bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo shir ku lahaa halkaasi, iyadoo taasi la tilmaamay in uu qasaaro kasoo gaaray.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya Dr.C/qaadir Max’ud Nuur (Siidii) oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu xaqiijiyay in gantaalladaasi ay ku geeriyoodeen hogaamiyeyaal ka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways.

Intaasi kadib ayaa hadal haynta ugu badan Magaalada Muqdisho oo ay shacabka hayaan waxa ay noqotay in gantaalladaasi ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aways maaadama dhankiisa laga waayay beenin ku aadan arintaasi oo uu u jeediyo Warbaahinta.

Ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin Sarkaalkaasi oo la sheegay in uu ku geeriyooday Gantaalladii lagu riday deegaanada gobolkada Sh/hoose, iyadoo ay kacsantahay xaaladaha deegaanada iyo degmooyinka ay Maamulaan Al Shabaab maadaam laga cabsi qabo duqeymo halkaasi ka dhaca.

.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.