Somaliland oo ku gacan-saydhay qorshe Qaramada Midoobay doonayso in maamulka Hawada wixii Soomaaliya la isku odhan jiray laga hago Muqdisho

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay qorshe Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Duulista, oo labaatankii sano ee dambeeyey maamulaysay duullimaadyada Hawada Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland-na ka mid tahay.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay dalka ku soo dhaweeyay Guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socota Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha duullimaadyada hawada ee ICAO oo muddo 20 sano ah maamulaysay hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Guddidan oo dalka soo gaadhay abbaaro 10:00-kii subaxnimo ee shalay ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland. Ka dib markii uu kulankaasi dhammaaday waxa Warbaahinta la hadlay  Agaasimaha Waaxda Duulista ee Wasaaradda, ahna ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Siciid Mahdi Ileeye, waxaanu sheegay in kulankaas ay la yeesheen Masuuliyiinta ICAO ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha dhinaca duullimaadyada iyo maamulka hawada, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Maanta waxa noo yimi Guddi ka socota ee ICAO oo ah hay’adda Aduunka diyaaradihiisa shuruucda u samaysa. Guddidaas oo ah mid xaqiiqo raadis ah waxa hawadeenna laga xukumaa dalka Kenya, waxaana la doonayaa in hawada maamulkeeda lagu soo wareejiyo Soomaalida. Markaa, waxa laga wadahadlayaa bal sida ay suurtogal u noqonayso in lagu wareejiyo ama Muqdisho ama meel kale.”

“Maanta markii aannu la shirnay waxaannu u caddaynay mar haddii aannu nahay Somaliland, waxaannu nidhi; ‘meesha qudha ee shaqaynaysaana waa tayadan (Somaliland); Markaa, haddii xukunka loo daynayo in meel kale laga xukumo waxba kama qabno, sidii markii horeba loogu heshiiyay, laakiin annagu (Somaliland) marnaba ma oggolin in meel kale loo raro oo hawadeenna Muqdisho laga xukumo, taasi waa muqaddas wixii aannu oggolayna waannu u sheegnay.”

“Sidaa daraaddeed, waxaannu ku nidhi; ‘Annaga ayaa nabadgalyo hayna, annaga ayaa ,garoonno hawlgalladoodu habaysan yihiin hayna, Annaga ayaa gacan idinka siinayna hawlihiinna shaqo, markaa halkan (Somaliland) ha-loo soo raro oo Hawada Soomaaliya oo dhan Xafiiska halkan hallaga xukumo.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Mahdi Ileeye.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.