Ku-simaha Xoghayaha Xisbiga UDUB oo la xidhay ka dib markii uu ku kacay tallaabooyin Xeryaha Ciidanka mabnuuc ka ah

Hargeysa-(Berberanews)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay ku simaha Xoghaya guud ee Xisbiga mucaaridka ee UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse, ka dib markii uu ku kacay inuu Taliska guud ee Booliska ugu warramo koox Weriyeyaal ah.

Ku simaha Xoghayaha UDUB ayaa Taliska guud ee Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa u tagay si uu uga soo dacwoodo Dawladda hoose ee Hargeysa oo dhawaan la wareegtay xaruntii 26 June ee Xisbiga UDUB Xafiiska ku lahaa sida uu sheegay, inkasta oo dhulkaasi yahay dhul Hanti dawladeed ah, haddana waxa uu Cabdixaliim ku andocooday in Xisbigoodii la weeraray.

Cabdixaliim Maxamed Muuse, ayaa Taliska guud kula kulmay koox weriyeyaal ah oo halkaa u joogay inay wax ka duubaan Xaflad lagu qabanayey, isla markaana waxa uu siiyey war, inkasta oo Saraakiisha Booliska ka joojiyeen isaga oo ujeeddada uu Taliska u tagay ka warramaya, waxaanu intaan hadalka laga joojin sheegay inuu Taliska geeyey warqad dacwad ah.

“Halkii waa taliskii Booliska waxaanan keenay warqad dacwad ah. Warqada dacwada ee aan keenay runtii waxay ahayd xafiisyadii xarunta gobolka ee toban sanno in  ka badan uu ku lahaa xisbiga  UDUB ee khayriyada ee 26 june galbeed ka soo xigay.” Sidaa ayuu yidhi Ku-simaha Xoghayaha guud ee UDUB Cabdixaliim.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray; “Xafiisyada oo ka kooban saddex qol iyo hool ka kooban oo uu xisbigu toban sanno in ka badan uu ku jiray, ayaa duulimaad loogu yimi iyadoon wax ogaysiis ah iyo karaam ah iyadoon la tixgelin xisbiga imika saddex qol ayaa laga qaaday saqafkii sarre gidaarkiisiina la dumiyey.Arrinta aan halkan u imi waa arrinta oo nabadgelyada oo dhan dhibaato ku ah.”

Ku simaha xogyaha xisbiga UDUB waxa kale oo sheegay in uu arrinkani yahay mid lagu soo duulay xisbig UDUB, waxaanu yidhi; “Arrintani waa arrin lagu soo duulay xisbiga UDUB, waa xisbi qaran oo toban sanno in ka badan soo dhisan waana meeshi xisbiga lagu bilaabay.” Hase-yeeshee, intaas markii uu yidhi ayey Saraakiisha Booliska ee Taliska ku sugnaa ka joojiyeen hadalka, maaddaama oo ay goobtu xero ciidan tahay.

Cabdixaliim maaddaama oo uu ku xad-gudbay sharciga Ciidanka oo dhigaya inaan arrimo shaqada ciidan ka madax-bannaan oo siyaasadeed saxaafadda lagagala hadli karin, Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan-Fooxle, ayaa amar ku bixiyey in la xidho Cabdixaliim, isla markaana la baadho sababta uu Saxaafadda warka Xisbigooda khuseeya ugu siiyey xarunta Taliska guud. Isla markaana, waxa loo qaaday Xarunta Laanta Dembi-baadhista ee C.I.D-da, balse saacado kooban markii halkaas lagu hayey ayaa la soo daayey.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.