Lionel Messi Oo Saddexley La Soo Laabtay, Iyo Real Madrid Oo Hogaanka La Liga Ku Soo Laabatay.

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa soo gabgabeeyay seddexdiisii kulan ee gool la’aanta uu ahaa isagoo kaga jawaabay seddexleey uu dhaliyay 17 daqiiqo gudaheed, ciyaar ay Barcelona shan gool iyo waxba ku xaaqday kooxda Mallorca.
Ciyaaryahanka yar ee Argentina ayaa goolasha u furay kooxda Pep Guardiola, goolkaasoo ahaa rigoore, ka dib markii weeraryahanka kooxda Mallorca Emilio Nsue uu gacanta ku taabtay kubad madax uu ku dhuftay Adriano iyagoo ku jira diilinta ganaaxa.
Messi – oo qasaariyay rigoore kulankii barbaraha goolal la’aanta ay la galeen kooxda Sevilla todobaadkii hore – ayaa rigooradaasi u sarifay gool, markii uu dabamariyay golhaye Dudu Aouate.

Aouate ayaa hadana kubada ka soo bixinayay shabaqiisa daqiiqadii 20aad markii uu goolkii labaad ka dhaliyay Lionel Messi. Messi ayaa seddexleydiisa dhameystiray daqiiqadii 30aad ee ciyaarta, markii uu kubad uu ka helay Dani Alves uu si fiican shabaqa u dhex dhigay.
Iyadoo Mallorca ay kala daadatay waxaa goolka afaraad ugu sii daray Cuena, ka hor inta aanuu Dani Alves soo gabgabeyn xasuuqii Camp Nou.
Dhinaca kale Real Madrid ayaa u dhaqaaqday hogaanka La Liga ka dib markii goolkii Higuain ay ku garaaceen kooxda Real Sociedad oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Estadio Anoeta.
Higuain ayaa siiyay kooxda Jose Mourinho hogaanka wakhti dheer ah, lakiin kooxda dhalisay 28 gol 7dii kulan ee u danbeysay ayaa laga beeniyay markaan inay goolal badan ku badiyaan.
Levante, oo haatan kaalinta 3aad ku jirta iyadoo leh 23 dhibcood ayaa hogaanka ku soo laaban karta hadii ay guushii 8aad oo isku xigta ka gaaraan Osasuna maanta.
Higuain ayaa shabaqa ku hubsaday baas uu ka helay Fabio Coentrao, goolkaas ayuuna ahaa kii quusiyay kooxda Real Sociedad, iyadoo Real ay ka faa’ideysan weyday koontaroolkeeda ciyaarta ee qeybtii hore.
Sociedad ayaa ciyaarta ku soo laabtay qeybtii danbe taasoo ku qasabtay in Iker Casillas uu labadoo jeer badbaadiyo fursado qaali ah.
Kooxda Valecia oo soo gashay kaalinta afaraad balse ku xiran tahay inay halkaas joogaan kulamada maanta ayaa waxa ay 3-1 dirtay kooxda Getafe.
Kooxda Villarreal oo muddooyinkaan ay ka jiiftayna waxaa ay labo gool iyo waxba ugu qubeysay kooxda Rayo Vallecano.
LioDhinaca gool dhalinta waa 13 gool ku hogaaminaya ciyaaryahan Lionel Messi, waxaa ku soo xiga Cristiano Ronaldo iyo Gonzal Higuain oo leh min 10 gool.
Mustafe Maxamud “kastam”
kastam@berberanews.com
Berberanews.com