Real Madrid iyo Bayern munich Oo Badiyey, Man United Oo Lagu Dhagay Markale.

(Berberanews Sports):- Manchester City ayaa guuldarro xanuun leh oo 2-0 kala kulantay kooxda Bayern Munich ciyaar ka tirsaneyd Group A Champions League, iyadoo Mario Gomez uu labo gool ka dhaliyay, iyadoo habeen xun ay City ku qaadatay Allianz Arena.

Inkastoo horyaalka ay natiijooyin fiican ka keenayeen, hadana City waxa ay nasiibdarro ku lahaayeen in laga diido rigoore ka dib markii ciyaaryahankoodii hore Jerome Boateng uu dhulka dhigay David Silva, lakiin Bayern ayaa kaga jawaabtay goolal uu u dhaliyay Gomez, kaasoo goolashiisii xilli ciyaareedkan ka dhigay 11 gool 9 kulan oo uu saftay.
Xaalad xun oo City ay ku sugneyd ayaa sii socotay qeybtii labaad, ka dib markii Mancini uu carro kala kulmay Edin Dzeko, markii uu go’aansaday inuu weeraryahanka ku bedelo Nigel De Jong. Carlos Tevez ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu diiday inuu bedel ku soo galo.
Lakiin Bayern Munich ayaa u muuqatay kuwa cajiib ah, gaar ahaan Franck Ribery oo si fiican ciyaarta uga dhexmuuqday, waxaana Bayern ay gaadhtay guusheedii 10aad ee ciyaaraha oo dhan, iyadoo haatan 6 dhibcood ku heysa Group A labo kulan oo ay ciyaareen.

Xaqiiqdii Bayern waxa ay sii dheereysatay 928 daqiiqo oo ciyaareen oo aan weli gool laga dhalin, halka City ay u baahan tahay in ugu yaraan ciyaartoydooda ay baraan kala danbeynta ka dib wixii caawa ka dhacay kursiga keydka.
Dhinaca kale kooxda Napoli oo barbaro kulankeedii ugu horeeyay Champions League xilli ciyaareedkan ka heshay kooxda Man City ayaa waxa ay labo iyo waxba kaga badisay kooxda Villarreal.
Marek Hamsik iyo Edinson Cavani ayaa labada gool u kala dhaliyay kooxda ka socota Serie A oo haatan leh afar dhibcood labo kulan oo ay ciyaareen.
Dhinaca kale Group C ciyaaryahan Ashley Young ayaa guuldarro ka badbaadiyay kooxda Manchester United ka dib markii ay barbaro 3-3 ah kula galeen garoonka Old Trafford kooxda reer Switzerland ee Basel.
Manchester United ayaa hogaanka ku qabatay 2-0 qeybtii hore ee ciyaarta oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Danny  Welbeck, lakiin qeybtii danbe ayaa United uu war qabsaday ka dib markii Basel ay seddex gool ugu jawaabtay waxaana seddexda gool labo ka mid ah dhaliyay Alexander Frei, halka goolka kale uu dhaliyay Fabian Frei
Ciyaaryahan Ashley Young ayaa furtay kooxda Manchester United ka dib markii uu dhaliyay goolkii barbaraha dhamaadkii ciyaarta, taasoo ka fujisay tababare Sir Alex Ferguson oo goob joog u noqon lahaa guuldarro lama ilaawaan ah.
Kooxda Benfica oo Group C ku jirta ayaa afar dhibcood ku qabatay hogaanka Group-ka ka dib markii ay gool iyo waxba ku garaaceen kooxda Oletul Galati. Manchester United oo barbaro gashay labadii kulan ee ay ciyaartay Champions League ayaa waxa ay leedahay labo dhibcood.
Kooxda Real Madrid ayaa waxa ay seddex gool iyo waxba ku qaarjisay kooxda Ajax iyadoo haatan hogaanka u qabatay Group D iyadoo leh lix dhibcood.
Weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa goolasha u furay daqiiqadii 25aad ee ciyaarta, kubadsameeyaha reer Brazil Kaka iyo weeraryahanka reer France Karim Benzema ayaana labada gool kale u dhaliyay kooxda Los Blancos.
Kaka oo dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2008-09 kaga soo biiray Real kooxda AC Milan ayaa waxaa halakeeyay dhaawacyo is xigxigay taasoo u diiday inuu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisi markii uu noqonayay laacibka adduunka 2007dii.
Lakiin caawa waxa uu u muuqday inuu dib u soo laabtay Ricardo Kaka-gii la yaqiinay, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyay inay 6 dhibcood ka heshay labo kulan oo ay ciyaareen.
Olympique Lyon ayaa leh afar dhibcood ka dib markii ay 2-0 ku dardareen kooxda Dinamo Zagreb, iyadoo Ajax ay hal dhibic leedahay, halka kooxda reer Craotia ay u hooseyso iyadoo aan wax dhibic ah laheyn.
Kooxda Turkiga ee Trabzonspor ayaa afar dhibcood ku qabatay hogaanka Group B ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen kooxda Lille, iyadoo Inter goor sii horeysay ay 3-2 kaga badisay kooxda Moscow.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports