Madaxweyne Silaanyo oo Tacsi U Diray Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Kooshin oo walaalkii ku geeriyoodey Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Suldaan Cismaan Xaaji Cali Kooshin iyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, oo ku tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM SALEEBAAN XAAJI CALI KOOSHIN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay Shalay 14/09/2011 Isla Magaalada Hargeisa.
 Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.” sidaa wax lagu shaaciyay Tacsi naga soo gaadhay Madaxtooyadda Somaliland.
 
Sidoo kale, waxa iyaguna tacsi taa la mid ah diraya Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Maxamuud Saleebaan, Maayarka Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Xoghayaha Dawladda Hoose Cali Maxamed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca ciidanka Saleebaan Cumar-ku-joog, Agaasimaha biritikoolka Madaxtooyadda Maxamed Cimi Aadan (Ilkacase) , Agaasimaha wasaaradda deegaanka Maxamed Faarax iyo Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan

Dhammaan masuulliyiinta iyo xildhibaannada kor ku qorani waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuum Saleebaan Cali Kooshin,oo manta lagu aasay Hargeysa,  gaar ahaan waxay tacsidan gaadhsiinayaan Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Kooshin.
 
Waxay Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
 
Aamiin Aaamiin