Maxkammadda Sare Ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay murankii xisbiga UCID iyo jawaabta garabka laga xukumay

Hargeysa- (Berberanews)- Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwadii hoggaaminta sharciyadda xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee ka dhaxaysay garabyada ay kala hoggaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Maxamed Mire (Waqaf).
Go’aanka maxkamadda oo maanta guddoomiyaha maxkamadda sare iyo afar garsoore oo wehelinayeen kaga dhawaaqeen hoolka maxkamadda, waxa goob-joog ka ahaa labada garab ee dacwaddu ka dhaxaysay iyo marti sharaf kale.
 
Go’aanka maxkamadda sare ayaa gebi ahaanba deedafeeyey dacwadihii iyo go’aanadii isburinayey ee labada dhinac soo kala sareen, waxaanna dhismaha xisbiga dib ugu celisay shirweynihii 2aad ee qabsoomay sannadkii 2006-dii.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa ugu horreyn iftiimiyey nuxurka dacwadda labada dhinac, waxaannu yidhi, “Maanta oo taariikhdu tahay 11/09/2011 maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqaysaa go’aanka ay ka soo saartay dacwadii ay hore u dhegaysatay taariikhdu markii ay ahayd 25/08/2011. Maxkamaddu waxay ka garnaqday dulucda dacwadda oo ku saabsanayd go’aamo is burinaya oo ka soo kala baxay labada dhinac ee doodu ka dhaxayso, kuwaas oo isku haya hoggaaminta iyo talada xisbiga UCID, iyagoo dhinaca kowaad ee dacwoodayaashu sheegtay inay yihiin hoggaanka ku-meelgaadhka ah ee xisbiga UCID oo ku yimi magacaabis ka soo baxday Guddiga Fulinta 14/07/2011, taas oo aannu ku jirin dacwaysanaha dhinaca labaad kadib markii uu qabsoomiwaayey shirweynihii xisbiga UCID iyo dhinaca dacwaysanaha oo soo saaray go’aan uu sheegay in xilkii uu kaga qaaday 10 xubnood oo ka mid ah Guddiga Fulinta, sidoo kalena ku sheegay in golaha dhexe ee xisbigu doortay afar xubnood taariikhdu markii ay ahayd 27/07/2011 si ay u sii wadaa inta laga gaadhayo shirweynaha saddexaad hawlaha xisbiga.

Guddoomiyuhu waxa uu halkaasi ka akhriyey qodobada iyo jidadka ay u mareen go’aan ka gaadhista dacwadda, isagoo soo qaatay dacwadihii dhinacyadu horgeeyeen maxkamadda, go’aamadii ay soo kala sareen muddadii khilaafku taagnaa iyo weliba daraasayn ay ku sameeyeen xeerka iyo sharciga u yaal xisbiga ee tilmaamaya arrimaha la isku hayo.

Waxa maxkamadda u caddaatay:
a) In aanay labadaas go’aan ee ka soo kala baxay labada dhinac midna aannu u soo bixin qaab waafaqsan xeerka iyo qaab-dhismeedka xisbiga UCID.
b) Waxa kale oo u caddaatay in ay dhinacyadu ku xad-gudbeen awoodihii sharci ee shirweynuhu lahaa, markay maxkamaddu aragtay qoraalka ku taariikhaysan 01/09/2011 ee ujeedadiisu ahayd codsi qabasho fadhi iyo oggolaansho soo gudbin caddaymo ee uu maxkamadda ka dalbaday qareenka dacwoodayaashu, isla markaana maxkamadda u caddaatay inay galkan ku jiraan caddaymo ku filan oo maxkamaddu ku go’aan qaadan karto, isla markaana aanay jirin wax baahi ay maxkamaddu uga baahatay dhinacyada iftiimin la xidhiidha doodahoodii.
c) Markay maxkamaddu ku qanacday in labadaa go’aan ee aynu ku soo sheegnay ay ka horyimaadeen xeerka iyo sharciyadda qaannuuneed ee xisbiga UCID,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaannu intaa ku daray, “Sidaas darteed maxkamaddu waxay soo saartay go’aankan;
 
       I.      Waxa maxkamaddu diiday dacwadii dacwoodayaasha dhinaca isku magacaabay hoggaanka ku-meelgaadhka ah ee xisbiga UCID, kuna taariikhaysnayd 04/08/2011.
    II.      Waxa la diiday jawaab-celintii dhinaca dacwaysanaha ee ku taariikhaysnayd 21/08/2011.
 III.      Waxa la tirtiray go’aanka summadiisu tahay UCID 629 -2011, kuna taariikhaysan 24/07/2011, kana soo baxay xubno isku sheegay inay yihiin guddiga fulinta xisbiga UCID.
 IV.      Waxa kale oo la diiday go’aanka aan sumadda lahayn ee ku taariikhaysan 27/07/2011, laguna sheegay inuu yahay go’aanadii ka soo baxay shirweynihii 3aad ee golaha dhexe ee xisbiga, laguna sheegay in lagu doortay guddi sii wada hawlaha xisbiga inta laga gaadhayo doorashooyinka dawladaha hoose iyo shirweynaha saddexaad ee xisbiga.
 
Ugu dambayn Guddoomiyaha Maxkamaddu waxay uu yidhi, “Waxay maxkamaddu go’aamisay;

  1. In dhammaan hay’adaha kala duwan ee xisbigu ee lagu doortay shirweynihii labaad ee xisbiga 27/06/2006 ay muddo dhaaf yihiin, jiritaanka xaaladooda qarameedna ay tahay mid ku-meelgaadh ah inta lagu qabanayo shirweynaha 3aad ee xisbiga UCID.
  2. Waxay maxkamaddu go’aamisay in shirweynaha 3aad ee xisbiga la qabto, laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maanta waxannu shirweynuhu ka ka koobnaanayaa xubnihii ka qaybgalay shirweynihii 2aad ee xisbiga inta ka nool, qabanqaabada qabashada shirweynaha waxa loo raacayaa xeerka xisbiga
  3. maxkamaddu waxay amartay in golaha dhexe iyo xubnaha guddiga fulintu gutaan waajibaadyadooda ku aadan qabanqaabada qabashada shirweynaha 3aad ee xisbiga si loo ilaaliyo, loona badbaadiyo jiritaanka shakhsiyadda qaanuuneed ee xisbiga UCID.
  4. Wax kharash ah dhinacna looma soo qaadin, maadaama maxkamaddu diiday doodii labada dhinac, aqbashayna jiritaanka xeerka xisbiga UCID.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Mirre Waqaf oo warbaahinta kula hadlay afaafka Maxkamdda, ayaa sheegay inay aqbalayaan natiijada maxkamadda ka soo baxday, balse aanay dib ugu noqon doonin Xisbiga UCID, oo isaga iyo garabkiisu furan doonaan urur-siyaasadeed cusub.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com