Madaxweyne Silaanyo oo Badhasaab Cusub u magacaanbay Gobolka Awdal, ka dib markii badhasaabkii hore iska dhiibay dalka Canada

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaano, ayaa manta badhasaab cusub u magacaabay Gobolka Awdal, ka dib markii  badhasaabkii hore ee gobolkaas Xasan Daahir Xaddi oo dalka ka baxay, islamarkaana qaxoonti ahaan isaga dhiibay dalka Canada.
 
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Saciid.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay  0172/092011  ku Magacaabay Mudane, Axmed Xadi Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
 
Madaxweynuhu:
 
Markuu Arkay:              Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
 
Markuu Arkay:              Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka
                                      Awdal,
 
Markuu Aqoonsaday:  Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
 
Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
 
Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somalilands
Email, info@berberanews.com