Hogaamiyaha Golaha Ku-meel Gaadhka Libya oo Tripoli Gaadhay Iyo Gini Bisaw oo Sheegtay inay Magangalyo Siinayso Qadaafi

Tripoli, (Berberanews.com/W/Wararka):-Guddoomiyaha Golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil ayaa maanta oo sabti ah gaadhay xarunta dalka Libya ee Tripoli, waana socodkii ugu horeeyay ee uu ku tago caasimadda dalka Libya tan iyo intii ciidamaddii mucaaridka ee dalkaasi ay magaaladaas ka xoreeyeen Qadaafi iyo ciidamadiisi.

Gaadhista Mustafe Cabdi Jaliil ee magaalada caasimadda u ah dalka Libya oo si toos ah telefishanadu u baahinayeen, ayaa laga daalacan karayay soo dhawayn aad u diiran oo lagu qaabilay, waxaanay tani markhaati buuxa u noqonaysaa sida magaalada Tripoli uga faro muruxsatay Qadaafi iyo taageerayaashiisa, uguna gacan gashay kooxihii mucaaridka ku ahaa.

 

Mustafe Cabdi Jaliil wuxuu hogaaminayay kooxihii sida wayn uga soo hor jeeday hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al Qadaafi oo dagaal lix bilood socday lagaga itaal roonaaday, waxa xarun u ahayd tan iyo intii uu iska casilay wasiirka caddaaladda ee uu ku biiray isla markaana hogaamiyaha u noqday kooxaha mucaaridka ah, Magalaada dhinaca bari ku taala ee dalka Libya ee Bangaazi halkaas oo xarunta mucaaridka ahayd lixdii bilood ee dagaalku socday.

23-kii bishii August 2011-ka ayaa ciidamadii mucaaridka ee NATO taageeraysay ay si fudud u jabiyeen difaacii magaalada Tripoli waxaana tan iyo intii xiligaa ka danbaysay socday diyaar garow wayn oo loogu jiro dawlad ku meel gaadh ah oo dalka Libya hogaamisa, isla markaana gaadhsiisa dimuqraadiyad iyo fur furaan xoriyada dadka ah si looga raysto xukunkii kali talisnimada ahaa ee Qadaafi oo 42-sanadood socday.

Wararka kale ee laga helay dalka Gini Bisow ayaa sheegaya in xukuumadda dalkaasi magan galyo siin doonto colonel Qadaafi haddii uu dalkeeda u soo baxsado, waxa kale oo socda dagaalo u dhexeeya kooxaha u daacada ah Qadaafi iyo kuwa dalka la wareegay oo gaashaanbuurta NATO ku taageerayso diyaaradaha dagaalka oo duqeeyay degaanka Ben Waliid.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com