Fahamka muhiimadda iskaashiga ee Bulshada reer Hargeysa iyo Doorkii Dawladda hoose oo aan muuqan

Hargeysa(Berberanewsl)- Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Xaafadaha iyo Degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sannadihii u dambeeyey u muuqda kuwo si fiican marba marka ka dambaysa u soo fahmaha muhiimadda iskaashiga iyo wax wada-qabsiga bulshada dhexdeeda ahi leeyahay iyo horumar muuqda lagu samayn karo midnimada iyo wada-jirka shacabka.

Tan iyo shantii sano ee u dambeeyey, waxay Xaafadaha iyo Degmooyinka magaaladu ku hawlanaayeen inay dhexdooda ka abuuraan Guddiyo horumarineed oo ka shaqeeya, isla markaana dadweynaha Xaafadaha iyo Degmooyinka ay Guddiga u yihiin ururiya qaadhaan dhaqaale oo hadba wax lagaga qabto baahida muuqata ee ay degmadu tirsanayso, baahiyahaas oo aynu si muuqata u xusi karno samaynta Jidadka ama waddooyinka qaybaha kala duwan ee magaalada isku xiha.

Haddaba, tallaabooyinka u dambeeyey ee aynu xusi karno waxa ka mid ah Guddida horumarinta saddexda degmo ee 26-juun, Ibraahin Koodbuur iyo Gacan-Libaax ee Caasimadda Hargeysa, ayaa shalay caddeeyay in wejigii labaad ee dhismaha waddada 150-ka loo yaqaan ee saddexdaa degmo xidhiidhisaa bilaabmayo, waxaanay ugu baaqeen dadka deggan meelaha jidkaasi maro ee laga dhisayaa inay kaga guuraan muddo toddobaad gudihii ku siman.

Guddidan oo ah xubno muwaadiniin ah oo iskood isku xilqaamay, waxa ay intaa ku dareen in dhinacooda ay dhamaystireen, wajigii labaad ee dhismaha wadadaas, sidaa daraadeedna ay rajaynayaan in wixii caqabado ah ee ka hor iman kara dhismaha jidkaas deg deg loo dhameeyo oo muddo todobaad gudihii ah lagu baneeyo dhamaan meelaha wadadu marayso. Guddidu waxa iyagoo isku dhan caddeeyeen in wixii ballan ah ee ka dhexeeyay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka ay dhinacooda ka soo dhalaaleen, dhinaca dawladda hoose-na ay ka rejeynayaan inay ka soo baxdo.

Ugu danbayntii Guddidani waxay ugu baaqeen dadweynaha ku dhaqan xaafadaha sadexdaa degmo ka kooban yihiin inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaas oo hoo iyo hiilba la garab istaagaan, wadaniyadna muujiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqda dayac badan oo jira iyo saluug dadweynuhu ka muujinayaan wax qabadka dawladda hoose iyo maamulkeeda oo sida ay ku doodayaan shacbiga Caasimaddu aad uga gaabisay kaalintii horumarineed ee laga sugayay. Waxa jidadka waaweyn ee magaalada ka muuqda burbur badan, kaas oo marba marka ka danbaysay sii kordhaya.

Sida qof kasta oo ku nool Caasimaddu arki karana, wadddooyinka magaaladu waxay si weyn ugu sii burbureen, Roobabka iyo Raxmaadka gu’ga oo maalinba maalinta ka danbaysay uga sii daraya, taas oo dhalliisheedana ay inta ugu badan leedahay dawladda hoose ee Hargeysa oo aan ka gaashaaman wax ka hortag ahna aan u samayn, sida bannaynta meelaha Biyuhu maraan iyo iliiladaha, waxaana mararka qaarkood dhacda in dhismayaal xidhaan meelihii Biyo-mareenka ahaa, halka kuwo kalana qashin is dul tuulmay oo awdo biyuhu marka ay bataann meelo kale jabsadaan amaba ay khasaare soo gaadhsiiyaan Buundooyinka iyo meelo badan oo waddooyinka ka mid ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.