Al-shabaabta Jamaame oo taageero weydiistay Odayaasha Dhaqanka iyo AMISOM oo qorshaysay weerarro ay ku qaadaan gobollada ay Al-Shabaab ka taliso

“Idaacadaha waa la dhageystaa, balse wararka ay sheegayaan waa been. Weriyeyaashoodu waa kuwo riddo ah, qof dil ku xukumanna warkiisa lama dhageysto…..” Al-Shabaab

Muqdisho(Ogaall)-Taliska Ciidammada Midawga Afrika ee ku sugan Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan sidii ay howlgalladooda dagaal ugu baahin lahaayeen gobollada ay ka taliso Malleeshiyada Al-shabaab iyo degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Muqdisho.

Sarkaal u hadlay Taliska AMISOM ayaa sheegay inay diyaariyeen qaabka uu u dhici doono ballaadhinta howlgalka, balse wuxuu sheegay inay dhibaato ka haysato tirada Ciidammada oo aad u yar iyo iyagoo aan haysan hub ku filan iyo taageero dagaal oo dhinaca Cirka ah. “Waxaan u diyaar-garownay inaannu howlgalkayaga ku ballaadhinno Soomaaliya oo dhan gaar ahaan gobollada ay ka taliso Al-shabaab.” ayuu yidhi Sarkaalka Ciidamada AMISOM u hadlay oo aan la sheegin magaciisa, isagoo intaas raaciyay. “Hadda Ciidamadeennu waxay ku sugan yihiin goobo ay Al-shabaab weerarrada kasoo qaadi jirtay sida Isbartiibada weyn ee Muqdisho.”

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegaa 9,000 Askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, waxaanay buuxiyeen fadhiisimmo ay Al-shabaab banneysay horraantii bishii hore ee sannadkan, taasoo ay ku sheegeen isbeddel dhinaca dagaalka ah.

Afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Ankunda oo isaguna la hadlay telefishin xaruntiisu tahay Kampala ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay howlgalkooda ku baahiyaan goobo cusub oo ay ka mid yihiin Kismaayo iyo Baydhabo oo ay ka taliso Al-shabaab markii ay soo gaadhaan Ciidammada cusub ee ay dalbadeen.

Hadalka AMISOM kasoo baxay ayaa ah mid ku siman afka, balse waxaa dhiman fulintiisa, iyadoo haddii ay ka dhabeeyaan hadalkan ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada Midowga Afrika lagu arko magaalooyinka ka baxsan Muqdisho.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Malleeshiyada Al-shabaab ayaa ku tilmaamay warbaahinta inay yihiin kuwo kasoo horjeeda Al-shabaab una xaglinaya wax uu ugu yeedhay Gaalada, isagoo wariyeyaasha ka shaqeeya Hay’adaha kala duwan ee Wararkana ku tilmaamay kuwo Diintoodii ka riddoobay.

Sh. Cabdiqaadir Muumin, oo qaar ka mid ah taageerayaasha Al-shabaab kula hadlyay deegaannada ay ka taliyaan ayaa sheegay in wararka ay baahiyaan warbaahinta Soomaaliya iyo kuwa calaamkuba ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay xaqiiqadu beenin doonto. “Idaacadaha waa la dhageystaa, balse wararka ay sheegayaan waa been,” ayuu yidhi Sh. Cabdiqaadir Muumin, isagoo si gaar ah u tilmaamay BBC-da, VOA-da iyo Raadiyo Muqdisho.

Waxaanu sidoo kale sheegay in kuwa kale ee Muqdisho ku yaalla ay la mid yihiin kuwaas uu magacyadooda xusay. “Wariyeyaashoodu waa kuwo riddo ah, qof dil ku xukumanna warkiisa lama dhageysto,” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo sidoo kale sheegay in Suxufiyiintu ay ka mid yihiin dadka oo ay riddoobi karaan.

Erayga riddo oo luuqadda Carbiga ah ayaa waxaa loo adeegsadaa qofku marka uu Diintiisa ka baxo, waxaana inta badan ay Al-shabaab eraygan u adeegsadaan dadka ay u arkaan inay kasoo horjeedaan fikirkooda iyo mabda’a ay rumeysan yihiin. Hase ahaatee, waa kalmad miisaan leh oo aan dhayal loogu odhan karin qof aan Diinta Islaamka ka Gaaloobin, cidda iska tidhaahdaana waxay noqonaysaa beenaale aan waxba hubsan, sida ay Hadda Al-Shabaab ugu dhawaaqday inay Weriyayaasha Soomaaliyeed oo dhan tidhaahdo waa kuwo Diintooda ka riddoobay.

Sidoo kale, Sh. Cabdiqaadir wuxuu ka hadlay dagaallada ka socda dalal ay ka mid tahay Soomaaliya isagoo sheegay inay yihiin dagaallo lagaga horjeedo wax uu ugu yeedhay Gaalada oo la doonayo in lagu xoreeyo guud ahaan dunida oo ahaa goobo ay Muslimiintu lahaayeen. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxa laga yaabaa maanta in laga qaxo goobo ay ka mid tahay Suuqa Xoolaha, balse waxaa loo baahan yahay in qof kasta oo Muslim ah uu ku fikiro sidii dib loogu qabsan lahaa dhulalka Islaamku ka talin jiray oo ay hadda Gaaladu haystaan.”

Isagoo ka hadlaya dhalalka Islaamka horay uga talin jiray ee hadda ay gaaladu ka taliso ayuu sheegay inay ka mid yihiin Moscow iyo New Dalhi oo caasimado u kala ah dalalka Ruushka iyo Hindiya. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Shiicadu aanay ka mid ahayn Muslimiintal. isagoo sheegay in nacaybka ay Mareykanka neceb yihiin uu la mid yahay nacaybka Kuubba ay neceb tahay Mareykanka.

Maamulka Al-shabaab ee degmada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka gobbalka Jubbada hoose ayaa kulan uu la yeeshay odoyaasha dhaqanka degmadaasi waxay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa taageerada ay Odoyaasha deegaanka u fidinayaan maamulka Al-shabaab ee degmadaas.

Kulakaas ayaa waxyaalihii lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa sidii ay odoyaasha deegaanka uga qeybqaadan lahaayeen, isla markaasina ay aragti isku mida uga yeelan lahaayeen dagaallada ay Al-shabaab kula Jirto dowladda KMG ee Soomaaliya, AMISOM iyo Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Maamulka ayaa ugu baaqay odoyaashii kulanka kasoo qeybgalay in ay ka hortagaan isku dayada ay dowladda KMG ee Soomaaliya ku dooneyso in ay awood kula wareegto goobaha ay ka taliso  Al-shabaab, waxaana odoyaashii kulanka ka qeybgalay laga codsaday in ay baaq u diraan dhalinyarada u dagaallameysa dowladda KMG ee kasoo jeedda beelaha ay metalaan.

Suldaanka Beesha Dir ee degmada Jamaame Xaaji Caagane Maxamuud oo kulankaasi ka qayb galay ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in mudadii uu kulanka socday diirada lagu saaray in la iska kaashado dagaalka ay Alshabaab kula Jirto Dowladda KMG iyo taageerayaasheeda, waxaana uu sheegay in laga codsaday in ay keenaan dhalinyaro ka qeybqaadata dagaallada ay Alshabaab kula jirto Dowladda KMG, AMISOM iyo ururka Ahlusunna Waljameeca.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.