Layaab! Waxan Idhi Shaqadii ku soo Noqo, Wuxu Yidhi Waxan Noqday Raysal Wasaare Xigeen Somaliya.

London (berberanews):- Maxamed Ibrahim oo ah 64 jir , labadii sano ee u danbeeyey macalin ka ahaa iskuul lagu magacaabo Newman Catholic College in Brent, oo ku yaalla waqooyiga London, ayaa waxa uu si kedis ah u noqday raysal wasaare xigeenka Somalia ahna wasiirka arrimaha debedda .
Mr Maxamed Ibraahin oo ku maqnaa fasixii xagaaga ee caadiga ahaa ayaa maalmo dib uga dhacay shaqadiisii ahayd macallin caawiyaha, laakiin arrinta qosolka leh ee soo jiidatay indhaha saxaafadda Britain waxa weeye kadib markii uu maamulihii iskuulka oo layidhaahdo Richard Kolka uu la xidhiiidhay si uu uga war helo waxa helay, balse uu ku jawaab celiyey inuu noqday raysal wasaaraha Somalia.
Ibraahin waxa uu ku yidhi warqaddiisa is casilaada “ waxa la iiga yeedhay si kedis ah wadan kaygii kadib markii la ii magacaabay wasiirka arrimaha debedda ahna raysal wasaare xigeenka Somalia”
Maamulaha iskuulkii uu ka ahaa macallinka ayaa yidhi “Waxaa fajac iyo amakaag igu noqday sharafta iyo iyo masuuliyadda uu qaaday wuxuu ahaa nin degen, laakiin weligay waxaanan maskaxdayda ku haynin oo aanan filayn inuu lugta kula jiro siyaasadda dalkiisa iskaba daa in loo magacaabo xilkaasi sida u muhiimk ah ee u sareeya eh”.
Maamulaha Iskuulka Newham Catholic College isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “wuxuu noo ballan qaaday inuu London dib ugu soo noqdo oo uu iskuulka soo booqdo ka dib markii ka soo laabto Shirweynaha dalalka qaramada Midoobay ee ka dhacaya Newyork”.
Cabdirisaaq Maayo
Berberanews.com