Tababraha Kooxda AC Milan Massimiliano Allegri Oo Aaminsan In Ay Ka Badin Karaan Kooxda Barcelona.

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda AC Milan Massimiliano Allegri ayaa aaminsan in ay jiraan  doldoloolooyin ama buundo deebulo loogaga faa’ideysan karo kooxda Barcelona  iyadoo naadiga AC Milan ay 12maalmood kadib ay ku kulmi doonaan tartanka koobka  Horyaalka Yurub.
AC Milan ayaa waxaa horyaalla howl culus oo kulan ay marti ugu noqonayaan  kooxda Nou Camp bishan September 13keeda marka uu tartanka  Champions  League uu bilowdo. Hase ahaatee 44jirkan tababaraha u ah kooxda haysata  horyaalka dalka Talyaaniga ayaa rajo ka qaba in natiijo fiican uu ka keeno  kulankaas.

Isagoo daawaday kulankiii ay kooxda haysata horyaalka Spain ay ugaga  guuleysteen kooxda Porto tartanka  European Super Cup toddobaadkii  hore, ayuu  Allegri ku kalsoon yahay in uu heli karo hab uu ugaga  guuleysto kooxda  Catalans.
Allegri ayaa u sheegay wargeyska Il Corriere dello Sport: “Tan ugu muhiimsan  waxa ay noqonaysaa in la xadido dheesha Barcelona.
“Barcelona waa koox aad  ku adkeyn  kartid inay ciyaaraan  marka aad weeraro ku qaado taasoo ah tan ay Porto soo bandhigtey European Super  Cup.”ayuu yidhi Allegri.

Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports