Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Oo Cambaareeyay Hab-dhaqanka Xukuummadda Somaliland ee warbaahinta

Hargeysa -(Berberanews)- Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay sida ay ula dhaqamos saxaafadda madaxabannaan oo isugu jirta cabudhin iyo kala qaybin.
Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen hoggaanka sare ee SOLJA ee dhawaan la dooray, waxay sheegeen in muddada sannadka ah ee xukuumadda talada haysay ay ka soo ifbaxayaan talalabooyin tacadi ku ah saxaafadda madaxabannaan oo aan loo dulqaadin karin, waxanay xukuumadda ugu baaqeen inay joojiso gabood falada ka dhanka ah saxaafada iyo dacwadaha joogtada noqday.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax oo ugu horayn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda wadanka ka talisaa inay tan iyo markii Xilka la wareegtay sanad ka hor Maxakamadaha u gudbisay Dacwado ka dhan ah Wargeysyada Waaheen,Saxafi, Hargeysa Star iyo TV-ga Horn Cable oo laba cisho ka hor isagana dacwad lagu eedaynayo loo gudbiyay Maxakamadda, isagoo sidoo kale xusay inay jiraan dhawr Warbaahineed oo kale oo iyagana intii madaxweyne Siilaanyo talada haysay lagu fuliyay Dacwado xukuno Ganaax iyo xadhig isugu jira.
“Xisbiga KULMIYE markii uu ololaha doorashada ku jiray wuxuu ku ololeeyey madaxbannanida saxaafadda, iyagoo xukuumaddii talada ku wareejisay ku eedeynayay in la cabudhinayo Saxaafada oo ay iyagu Madaxbanaani siinayaan, isla martkaana uu dhaqan gelinayo Xeer Saxaafada ee 27/2004, Sanadkii ay hada Talada haysayna ilaa sadeed Dacwadood oo ka dhan ah Saxaafada ayay Maxakamada u gudbisay, kuwaasoo laba ka mid ah oo Wargeyska Waaheen iyo Saxafi lagu qaaday lagu xukumay Ganaax iyo Xadhig, kuwo kalena ay wali ku jiraan ilaa hada , taasi markaa waxay ka dhigantahay in Xukuumadu bil keliya aanay ka nasan dacwaynta Saxaafada,” yuu yidhi Maxamed-rashiid.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in dhawaan si takoor ah warbaahinta qaar loogu diiday Madaxtooyada, waxaannu yidhi “Maalin dhawayd waxa dhacday in Saxaafada lagu midab takooray shir-jaraa’id oo Wasiirka Arrimaha dibadu ku qabtay Madaxtooyada oo aanay ahaynba in lagu qabto, waxaana loo diiday inay ka qayb galaan Wargeysyada Waaheen, Ogaal iyo TV-ga Horncable.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falalk noocaan ah ee Xukuumaddu kula kacday Saxaafada Madaxa banaan ee dalka, waxaanan Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu hoos u eego arintan oo uu wax ka qabto.”
“Madaxweyne Siilaanyo waa laga sugayaa balan qaadkii uu maalintii uu madaarka ka soo degay Saxaafada u balan qaaday inuu shir-jaraa’id u qabanayo, shacbiga iyo dadka oo dhamina way ka sugayaan.”
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamadda dastuuriga ah u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xeer-ilaaliyaha guud, waxaannu yidhi, “Waxaannu Maxakamada Dasturiga ah u gudbinay Dacwad ka dhan ah Xafiiska Xeer Ilaalinta, oo aanu kaga dacwoonayno sababta Dacwadaha Saxaafada iyo Dawlada ka dhexeeya loogu qaado Xeerka Ciqaabta guud, halka hadii qabsadaan Nin Suxufi ah iyo qof kale oo rayid ahi dacwadooda lagu qaado Madani.”
Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA Salebaan Ibraahim (Saleban Guray) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ugu baaqay inay joojiso ficilada lagu curyaaminayo hawlqabadka Saxaafada dalka iyo dacwadaha isdaba jooga ah ee ay Maxakamadaha kaga furayso, isagoo tilmaamay inuu ururkoodu si toos ah u dabagelayo sababta ay Xukuumaddu cadaawada ugu hayso Saxaafada dalka.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com