Madaxweyne Geelle Muxuu Muqdisho Kala Kulmay 22 Sano Ka Dib?

Muqdisho-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda DJibouti Mudane Ismaacil Cumar Geela ayaa booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Muqdisho ee ay isu barkadeen dagaallada, abaaraha, macaluusha iyo barakaca.


Madaxweyne Geelle oo ay muqdisho ugu danbaysay sannadkii 1989kii, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay duruufaha qallafsan iyo bur burka ku habsaday magaalada, islalamarkaana sheegay in xaaladda abaaraka iyo barakacu ka liitaan sidii uu filayay, waxaannu ballanqaaday in shacabkiisa iyo dawladiisu taageero ka geysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa.
“Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday, runtiina waa mid galaysa taariikhda Soomaaliya ka galaysa baal, shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin ma aha dalalka caalamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo dalalka islaamka,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle oo dareen damqasho ah ka bixiyay xaaladda Muqdisho.


Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in dalkiisu ciidammo nabad ilaalineed oo qayb ka ah hawlgalka AMMISOM u soo diri doono magaalada Muqdisho bisha soo socota, inkastoo Djibuiti hore u ballqaanday ciidammo 1200 ah inay muqdisho u dirayaan, balse ka maagay duruufaha adag iyo awooda sii kordhaysay ee Kooxda Al-shabaab.
 





Berberanews.com
Muqdisho, Somalia
Email, info@berberanews.com