Laacibka Neymar Oo Sheegay In Barcelona Ay Tahay Kooxda Adduunka Ugu Qiimaha Badan.

(Berberanews Sports):- Weeraryahanka kooxda Santos islamarkaana ay dooneyso Real Madrid Neymar ayaa sheegay in Barcelona ay tahay kooxda aduunka ugu fiican isagoo sheegay inuu sugi la’ yahay inuu ka horyimaado kooxda heysata Champions League dhamaadka sannadka.

Kooxda ku guuleysatay Copa Libertadores ee Santos ayaa ka qeyb geli doonta Club Word Cup waxaana laga yabaa inay finalka isku arkaan kooxda Barcelona.
“Barcelona waa kooxda adduunka ugu fiican, waxaana ay heystaan ciyaartoyda adduunka ugu fiican, lakiin waxaan dooneynaa inaan ciyaarno kubadeena marka aan iska horimaano” ayuu Neymar u sheegay fifa.com.
“Hadii aan aakhirka iska horimaano Barcelona, waxaan dooneynaa inaan cagta cagta u saarno. Inaad ka horimaado Barca waa howl culus. Ma u maleynayo inay jiraan taatiko gooni ah oo aad u baahan tahay inaad isticmaasho”
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaase sheegay in Santos ay marka hore u baahan tahay inay ka soo gudubto semi-finalka koobka Club World Cup.
“Ka hor inta aanan ka fekerin finalka iyo inaan la ciyaareyno Barcelona, waxaan u baahanahay inaan ciyaarno ciyaar muhim ah marka hore. Dabcan waxaan dooneynaa inaan finalka gaarno”
19 jirkaan ayaa si joogta ah loola xidhiidhiyaa inuu ka tago Santos islamarkaana uu ku biirayo kooxda Santiago Bernabeu, lakiin kooxdiisa haatan ayaa dooneysa inay ceshato ilaa iyo Club World Cup.

Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports