Ururka Saxaafadda USJ Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Murranka Xisbiga UCID, Haddii Aan Xal Loo Helin

Hargeysa-(Berberanews)- Warsaxaafadeed kooban oo Guddoomiyaha USJ ka soo saaray magaaladda Hargeya ayuu ugu baaqay masuuliyiinta labadda xisbi ee Kulmiye iyo Udub inay dhex galaan khilaafka sii cakirmaya ee u dhexeeya Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.
Waxa uu War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta USJ Khadar Maxamed Cakulle, kaga hadlay sida loogu baahan yahay inay Xisbiyada siyaasaddu si daacadnimo leh dhexdhexaadin uga galaan khilaafka ka taagan Xisbiga UCID, si aan khilaafyo kaas la mid ah oo kooxaha Xisbiyada ku bahoobay wax ku kala jiidanayaan u saamaynin Xisbiyada kale ee Somaliland ka jira iyo Ururrada la furay ee la rejeynayo inay mustaqbalka dhaw la tartamaan Xisbiyada hore u jiray.


Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan: “Inkasta oo hanananka dimuqraadiyadeed ee dalku uu yahay mid curdin ah, oo aan qaangaadhin isla markaana aynu ku dul yag leelayno, nidaamyo kale oo soo jireen ah, kuna xididaystay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, haddana waxa ay beesha caalamku ku amaantay dadka iyo dalka Somaliland is waafajitna dimuqraadiyada casriga ah iyo hanaan dhaqameedkii umadda. Haddaba waxaan rumaysanahay in muranka cakiran ee u dhexeeya hogaanka xisbiga UCID ay si dhow beesha caalamku indhaha ugu hayaan, maadama? Oo xisbiga UCID doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii uu helay ku dhawaad 19% oo ka mid ah shacabka Somaliland codkoodi, sidaa darteed waxa la jooga xiligii hogaanadda labada xisbi ee Kulmiye iyo Udub u fidin lahaayeen gacan hagar la’aaneed oo ay khilaafkaa ugu gurmanayaan. Sida laga dheehan karo rabshadihii ugu danbeeyay ee murankani sababay iyo hadaladii xajiinta lahaa ee la isku mariyay warbaahinta kuma ekaan doonto, hogaanka xisbiga UCID, hasa yeeshee waa banbo saacad kasta ka dhex qarxi karta xisbiyada kale, waxaanay mari doontaa oo xal u noqon doona wadada murankan maanta jooga lagu xaliyo. Mana aaminsani in Somaliland oo talo wadaag iyo isu tanaasul ku soo gaadhay halkan ay maaro u waayi doonto xurgufta siyaasadeed ee xisbiga UCID. Geesta kale waxa uu warsaxaafadeedkani uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inuu si xil kasnimo iyo talo odayeed ka geysto sidii loo soo af-jari lahaa marunka xisbigan la mataanka ahaa wakhtigii adkaa, isagoo aan ku majeeranayo waayo aragnimadiisa kobcinta dimuqraadiyada ee xiliyo adadag. Isku soo wada duuboo, yididiilada iyo farxada lagu soo dhaweeyay furista ururada siyaasigu noqon mayso mid u dhamaystiranta sida ay tahay haddii uu bar bar socdo muranka iyo xurgufta xisbiga UCID oo waliba xal iyo heshiis laga gaadhi waayo, waxaanay noqon doontaa in marba sidii dameeraha ka daala laga guuro oo mid cusub loo sacab tumo. Dhinaca kale xisbiyadu yaanay noqon sadexdii dibi ee ka cad libaaxa ku daawanayay barina mid midka uu u dhex qaadayay Aarku.”