Madaxweyne Silaanyo Oo Qasriga Madaxtooyadda Kula Kulmay Hoggaanka Cusub Ururka Suxufiyiinta SOLJA


Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Guddida cusub ee fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka kooban 15 xubnood, kuwaasoo lagu doortay shirweynahoodii afraad ee shalay lagu soo gebogebeeyay Hargeysa.


Kulankan dhexmaray Hoggaanka cusub ee SOLJA iyo Madaxweynaha waxa ka soo qaybgalay qaar ka ah ururada saxaafadda, Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Geel-jire iyo Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yusuf oo kulankaa hadal kooban ka jeediyay waxa uu Madaxweynaha uga mahadceliyay martiqaadka uu u fidiyay, isagoo ka warbixiyay duruufo adag oo ragaadiyay ururka SOLJA kana dhigay mid fadhiid ah oo ku guuldaraysta inuu horumar gaadho, iyagoo madaxdii ururkaasi muddooyinkii u danbeeyay la kala safteen xisbiyadda siyaasadeed xilligii ololaha doorashada madxtooyadda, taasian ay sabab u noqotay inuu noqdo mid aan shaqayn.

Guddoomiyuhu waxa uu Madaxweynaha ka codsaday in xukuummadu qayb ka qaadato dhismaha ururka iyo kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta kala duwan ee Somaliland oo uu ku tilmaamay qaar kaalin mug leh kaga jira horumarka dalka.

Maxamed Cabdi Curad oo isaguna ka mid ah Guddida cusub ee loo doortay fulinta SOLJA, ayaa Madaxweynaha ka dalbaday inuu dhaqangeliyo Xeerka saxaafadda Somaliland ee Golaha Wakiilladu ansixiyeen, balse xukuummadii Daahir Rayaale hor istaagtay dhaqangalkiisa, lagana joojiyo xeerka ciqaabka guud ee maxkamaduhu adeegsadaan.

Maxamed Cabdi Curad waxa kale oo uu Madaxweynaha ka codsaday inuu kaga dhabeeyo ballanqaadkiisii ahaa inuu gacan weyn ka geysan doono dhismaha iyo taageerada suxufiyiinta kala duwan wakhtigii uu ku jiray tartanka ololaha madaxtooyadda, isagoo intaa ku daray in shirweynaha afraad ee lagu doortay yahay mid aan hore u dhicin oo dimuqraadi ah, islamarkaana ay dhinacyadii laga guulaystay hambalyeeyeen.

Madaxweynaha iyo Maxamed Cabdi Curad

 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa  hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Ururka SOLJA, waxaannu ballanqaaday wixii taageero ah inuu u fidin doono suxufiyiinta, ogolyahayna dhalliilaha xukuumaddiisa, balse ay noqdaan qaar run ah oo aan been iyo ceebayn ahayan, xukuummad ahaana ay dan u tahay oo ay ka faa’iidaysanayaan qaladaad ay dhici karto inaanay warba ka hayn oo warbaahintu ku baraarujiso.


Madaxweynaha iyo Maxamed rashiid



 
Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday inaanu taageeri doonin sharci xad-gudub ku ah saxaafadda madaxabannaan ee dalka ka jirta, balse xeerka saxaafadda loo baahanyahay inay iska kaashadaan Golaha Wakiillada iyo suxufiyiintu oo ku daraan wixii kaabis ah ee uu u baahanyahay.


Madaxweynaha iyo Saleebaan guray

Madaxweyna iyo Maxamed Xarrago



 
Madaxweyne iyo Cali-dheere

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com