Inter Milan Iyo Man City Oo Guulo Ka Gaadhay Koobka Saaxiibtinimo Ee Dublin Super Cup.

(Berberanews Sports):- Inkastoo qeybtii hore ee ciyaarta uu casaan qaatay Thiago Motta, hadana Inter waxa ay 2-0 ku garaacday kooxda Celtic kulan ka tirsan koobka saaxiibtinimo ee Dublin Super Cup.
Labada gool ee Inter waxa ay uga mahadcelineysaa ciyaaryahankeeda cusub ee ay ka soo iibsatay kooxda Feynoord Luc Castaignos iyo ciyaaryahan Giampaolo Pazzini.
Koobkan oo sidoo kale ay ka qeyb galeyso kooxda Manchester City ayaa waxa ay mar sii horesay 3-0 uga soo badisay kooxda Airtricity League XI.
Wright-Phillips ayaa gool hore u furay kooxda City, waxaana u labeeyay ciyaaryahan Johnson ka hor inta aanu goolka seddexaad dhalin ciyaaryahanka da’da yar Luca Scapuzzi.
Tababare Gian Piero Gasperini ayaa u nasiyey xiddigiisa kulanka berri ay la leeyihiin Manchester City, halka ciyaartoyda Koonfur America ee kooxda Inter ay weli fasax ku maqan yihiin ka dib markii ay ka qeyb qaateen koobkii Copa America.

Inter 2-0 Celtic
Goolasha: Castaignos 6 (I), Pazzini 45 (I)
Casaan: Thiago Motta 44 (I)
Inter: Castellazzi; Ranocchia (Caldirola 85), Samuel, Chivu; Santon (Bianchetti 78), Stankovic (Mariga 56), Thiago Motta, Nagatomo (Faraoni 10); Pandev (Eto’o 46), Pazzini, Castaignos (Sneijder 46)
Celtic: Zaluska; Cha (Matthews 67), Loovens (Stokes 60), K Wilson, Izaguirre; Brown, Kayal, Ledley, Mulgrew; Samaras (McCourt 75), Maloney (Hooper 60).
Dhinaca kale kooxda Real Madrid ayaa 2-1 kaga badisay kooxda uu tababare ka yahay Sven Goran Eriksson ee Leicester ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Ingariiska.
Goolka hore waxa uu u dhaliyay kooxda Los Blancos ciyaaryahanka da’da yar ee ay xagaagan la soo wareegeen Jose Maria Callejon, waxaana Real Madrid goolka labaad qeybtii danbe ee ciyaarta u saxeexay ciyaaryahan Karim Benzema.
Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports