Arsenal Oo Sheegtay In Aanuu Fabregas Ciyaari Doonin Koobka Emirates Cup.

(Berberanews Sports):- Kabtanka kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaan ka qeyb qaadan doonin koobka Emirates Cup, sida uu xaqiijiyay tababare Arsene Wenger.
Barcelona ayaa dooneysa inay ciyaaryahankii ku guuleystay koobka adduunka ay ku soo celiyaan Camp Nou, lakiin Arsenal ayaa weli ku xidhaysa inay bixiyaan 40 milyan oo ginni.
Fabregas ayaan ciyaarin kulamadii saaxiibtinimo ee xagaagan, waxaana sida Arsenal ay sheegeyso uu ka shaqeynayaa caafimaadkiisa ka dib dhaawacyo xilli ciyaaredkii hore soo gaaray.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor koobka Emirates Cup Wenger waxa uu yidhi:  ”Wali arintiisa meel ma saarna, dhaawaciisa iyo xaaladiisaba. Dhawaan ayaana lakala saari doonaa”.
Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuusan ogolaan doonin in wararka Fabregas ku saabsan ay abid iska socdaan.
“Waxa uu ka soo labanayaa dhaawac, welina anaga nalama sal dhigan” ayuu yidhi Wenger
“Waad ogtahay wararka ku saabsan xaaladiisa, waa in taas mar dhow la kala saaraa halka ay u dhaceyso”
 
Arsenal ayaa la ciyaari doonta Boca Juniors maalinta sabtida koobka Emirates Cup, ka hor inta aanay maalinta ku xigta la ciyaarin kooxda Mareykanka ee New York Red Bulls.

Mustafe Maxamud “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports