David Beckham Oo U Sheegay Man United In Ay Soo Xero Geliyaan Ciyaaryahan Wesley Sneijder.

(Berberanews Sports):-David Beckham ayaa ku calaamadeeyey Wesley Sneijder inuu yahay nin u bedeli kara kooxda Manchester United ciyaaryahankoodii Paul Scholes.
Man United ayaa dooneysey in Sneijder ay la soo wareegaan hase ahaatee qiimaha ay ku dooneyso kooxda Inter Milan oo gaarayay £35million ayaa noqday mid ay raali ka ahayn.
Beckham ayaa rumeysan in ciyaartoygan ka soo jeeda dalka Holland xiddigna ka ahaa koobkii adduunka ee 2010ka uu yahay qofka kaliya ee buuxin kara booska uu baneeyey ciyaaryahankii ka fariistey ciyaaraha ee Scholes.
Beckham ayaa u sheegay jariirada The Sun:
“Si loo buuxiyo booska Scholes waa inay helaan qof u qalma booskaas.
“Waxaa jira wax badan oo uu ku wanaagsan yahay Sneijder waana ciyaartoy awood leh, waan hubaa in uu booskaa uu u buuxin karo kooxda Manchester United.
“Wuxuu qaban karaa wax badan shaki kuma jiro in la tabi doono Scholes wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan kooxdana wax badan u soo qabtay.
Beckham, oo ka hor imaan doono kooxdiisii hore ee Manchester United ciyaar Arbacada ay kooxdiisu kula yeelan doonto magaalada New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay heshiiska uu Sir Alex Ferguson ee uu kula soo wareegay goolhayaha da’ada yar David de Gea.
“Waan ogahay in ay kooxdu la soo wareegtay goolhayahan dhalinta yar balse waayaragnimo xoog ah leh kana soo ciyaaray koobka La ligaha,” ayuu yidhi Beckham.
 
“Waxa uu buuxinayaa boos weyn sababtoo ah[Edwin] van der Sar waxa uu ahaa nin wanaagsan umana malaynayo in ay taasi De Gea uu ku dhibtoon doono.
David Beckham oo ka hadlayay mustaqbalkiisa ciyaaraha ayaa sheegay in uu rajeynayo in labada sano ee soo socoto uu ciyaari doono isla markaana mustaqbalkiisa uu ku dhamaysan doono kooxda uu haatan u ciyaaro ee ka dhisan dalka Maraykanka.
Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports