Aqoonyahan soo Bandhigay Heerka uu Marayo Cilmiga Casriga ah ee Tiknolajiga iyo Fursadaha Somaliland uga Bannaan

 
Hargeysa- (Berberanews)- Eng. Maxamed Xasan Cali Cawaale oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo ku takhasusay cilmiga casriga ah ee tiknolajiga, ayaa soo bandhigay heerka uu marayo cilmiga IT-ga iyo weliba fursadaha Somaliland uga bannaan ee ay ka faa’iidaysan karto.
Kulan aqooneed khabiirku soo abaabulay oo ay ka qaybgaleen ganacsatada dalka, gaar ahaan kuwa adeegsada tiknoljiga sida shirkadda Dahabshiil, ururrada bulshada, aqoonyahanno iyo ardayda jaamacadaha ee cilmigan barta iyo dad kale, ayaa shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.


Eng. Maxamed Xasan Cali Cawaale oo muddo dheer ku soo dhexjiray cilmiga tiknolajiga, isla markaana ka mid ahaa ardaydii ugu horreysay ee wakhtigii cilmiga IT-gu ka hannoqaaday dalalka reer Galbeedka ku bartay jaamacad ku taal dalka Maraykanka, waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado badan oo caan ku ah, isla markaana hadda madax ka ha shirkadda ugu weyn ee dhinaca cilmiga tiknolajiga dalka Sucuudiga.
Aqoonyahan Maxamed Xasan Cali Cawaale waxa uu si waadix ah uga sheekeeyey faa’iidada cilmiga IT iyo heerka uu wakhtigan dunida ka marayo, isagoo tilmaamay inuu noqday waxa keliya ee guud ahaan caalamku ku shaqeeyo, isla markaana lagama maaraan mashiin ah u yahay hawlmaalmeedka guud ahaan dawlad, ganacsi iyo dadweyneba meel kasta dunida.
Injineerku waxa uu si gaar ah uga waramay qaab-dhismeedka iyo hannaanka loogu shaqeeyo cilmiga tiknolajiga, gaar ahaan shirkadaha ganacsiga sida hababka (systems) la adeegsado, qaybtiisa ammaanka (security), habka isku xidhka (Networking) iyo dhammaan qaybaha kale ee aasaaska u ah nidaamka loo isticmaalo cilmiga, si kambaniga ama shirkadda adeegsanaysaa ugu guulaysato faa’iidooyinkiisa.
Waxa kale oo Mr. Maxamed Xasan tilmaamay in culuunta tiknolajigu yahay mid xawaare dheeraynaya ku soconaya, kaas oo habeen iyo maalin kasta uu soo baxayo wax ku cusub oo aan hore loo aqoon.
Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xasan Cali waxa uu ka hadlay heerka cilmigani ka taagan yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay inuu gaadhay meel fiican, hase ahaatee ay aad u hoosayso ku shaqayntiisu marka laga qiyaas qaato dhinacyada ganacsiga iyo xafiisyada dawladdaba.

“Waxyaabaha aan ku arkay dalka waxa ka mid ah in dhawr xafiis oo aan wax ka doonayey shaqaaluhu is waydiiyeen waraaqdii kombiyuutarkee bay ku jirtay, waxa halkaasi ka maqan habka isku xidhka kombiyuutarada ee Networking-ka oo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee loo baahan yahay in laga helo shirkad ama xafiis IT ku shaqaynaya,” ayuu yidhi khabiirku.
Aqoonyahankani waxa uu reer Somaliland gaar ahaan ganacsatada ku dhiirigeliyey inay isticmaalaan cilmiga tiknolajiga, waxaannu yidhi, “Somaliland baayacmushtarkeedu waa ganacsiga yaryar waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay u baahan yihiin waa isticmaalaan IT-ga, haddii aad dukaan leedahay ama xafiis yar oo sida kuwa guryaha kireeya ah leedahay oo dhawr qof kuu shaqeeyaan waa inaad isticmaasho cilmiga tiknolajiga oo aad u samaysato habka isku xidhka (network), si fudud ayaad shaqadaada ula socon kartaa.”
“Waxaan soo jeedinayaa in dawlad iyo ganacsataba la bilaabo ku shaqaynta IT-ga, waana in hay’adaha iyo wasaaraddaha dawladdu ka gudbaan waraaqahan lala wareegayo,” ayuu intaa ku daray Eng. Maxamed Xasan Cali Cawaale.
Khabiirku waxa uu kula dardaarmay aqoonyahanka iyo ardayda jaamacadaha ka bartay cilmiga tiknolajiga in aanay sugin kambani wayn ama shirkad ku shaqaysa cilmigan oo qaadata, balse ay iyagu si fudud u abuuran karaan shaqooyin xirfadooda ku salaysan, iyagoo nidaamyada fudud ee adeegsiga cilmiga u abuuri kara ganacsiyada yaryar iyo hay’adaha kaleba.
Prof. Maxamed Cabdillaahi Ducaale iyo madaxa hay’adda ICT ee dawladda Eng. Cali Cabdillaahi oo iyaguna furitaankii kulankaasi hadalo ka jeediyey, ayaa ka iftiimiyey muhiimadda cilmiga tiknolajiga, iyagoo ardayda jaamacadaha ka barata ku dhiirigeliyey inay xoogga saaraan sidii ula socon lahaayeen horumarkiisa kordhaya.