Johan Cruyff Oo Barca Ugu Baaqay Inay Kordhiso Lacagta Sidii Loola Soo Wareegi Lahaa Fabregas.

(Berberanews Sports):- Halyeeyga kooxda Barcelona Johan Cruyff ayaa ugu baaqay Barca inay bixiso lacag badan hadii ay doonayaan inay xagaagan la soo wareegaan kabtanka Arsenal Cesc Fabregas.

Barcelona ayaa ku guuldareysatay dalabyo badan 12kii bilood ee u danbeysay mana doonayaan inay bixiyaan lacag ka badan 35 milyan ginni.
Cruyff, oo ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaanba guulo la soo qeybsaday Catalunya, ayaa sheegay in Arsenal ay boos adag ka taagan tahay arinta ciyaaryahan Fabregas.
“Arsene Wenger waxa uu fiirinayaa danta kooxda, Arsenal ayaana xaalada xukumeysa” ayaa Cruyff u sheegay Sunday Mirror.
“Cesc waxa uu saxiixay sannado badan, haatana waa inuu u ciyaaraa iyaga. Hadii Barcelona ay dooneyso waa inay bixiyaan lacagta la duldhigay”
“Markii aad u saxiixdo koox iyaga ayaad ku tiirsan tahay, waa wax la qaadan karo in Cesc la doonayo lakiin waxa uu qandaraas kula jiraa koox kale”
“War uma hayo inuu Cesc imaanayo iyo in kale. Arsenal waxa ay ku dooneysaa lacag aad u badan, waa inaan maskaxdeena isticmaalnaa” ayuu hadalkiisa ku koobay.
Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”
shaafici_3@hotmail.com
Berberanews Sports