Ragga Maamulka igula jira ee Gobolka Saaxil ka soo jeeda waxaan leeyahay Dhuumashada dhabarku muuqdo ha layska daayo oo waajibaadkiinna Qaranku idiin igmaday Qabsada intaad Shir-beeleedyada Abaabulaysaan..”



Hargeysa-(Berberanews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadba badaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan, ayaa dedaafeeyay shir-beeleedyada dhawaan ka bilaabmay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland oo uu ku tilmaamay talaabooyin dadka dib ugu celinaya wax hore loo soo dhaafay.

Agaaimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga

Agaasime Cabdiraxmaan, ayaa war-saxaafeed uu caawa ka soo saaray magalada Hargeysa ku naqdiyay shir-beeleedyada waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay inay ku niyad-samaadaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku soo nabad iyo caano maashay.
Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha waxa uu si gaara isu dul-taagay masuulliyiin ka soo jeeda gobolka Saaxil oio uu sheegay inay ka mid yihiin xukuummadda, si dadbana u abaabulaan shirar beelaysan,kuwaasoo aanu magic-dhabin.
 
War-saxaafadeedka Agaasimaha oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan;“Waxaan War-Saxaafadeedkan kaga hadlayaa arrinta Shir-beeleedyada ee aad dhawaanahan mooddo inaanay Somaliland wax kale mashquulin iyaga mooyaane. Arrinta Shir-beeleed, hore ayeynu uga soo gudubnay, waana waxaynu ka samaysannay dawladnimada dhammaystiran ee Dimuquraaddiyadda ku dhisan. Sidaa daraaddeed, may ahayn in maanta Beeluhu dib ugu noqdaan Shir-beeleedyo aynu ka maarannay, wax ka fiicanna ka samaysannay oo ah dawladnimo iyo dimuquraaddiyad.
 
Waxaan qabaa Somaliland Ninka maanta shirbeeleedka ku riyoonayaa waa nin aan habbeen jirin, waayo? Koonfurta Sudan baa maanta la aqoonsaday Somaliland-na  waa beri oo way ku xigtaa, markaa waxaan odhan lahaa yeynaan jidkii aynu shalay soo dhaafnay, maanta dib u raacin.
 
Bulshada reer Somaliland waxay ku faantaa marka ay reer Soomaaliya la hadlayso waxaannu idin dheernahay oo aannu halkaa ku soo gaadhnay waxaannu idin dheernahay waayeel taliya, tii aynu ku faanaynay maanta yey noqonnin mid inna burburisa oo qarannimadeenna wax yeesha oo Beeluhu dawladda ka soo horjeestaan oo beel waliba Shir doceed beelaysan oo mucaaridaysan yeelato, macneheedu wuxu ka dhigan yahay dawladnimada iyo dimuquraaddiyadda aynu samaysannay kuma kalsoonin oo waxba kama jiraan. Maantana maaha maalintii aynu taa isku maaweelin lahayn ee kala furfurmi lahayn, ee waa maalintii aynu u midoobi lahayn horumarinta Qarannimada iyo dimuquraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday ee aynu aqoonsiga isku duubni ku higsan lahayn.
 
Qodobka aan dul-istaagayaa waxa weeye, Ragga maamulka igula jira ee gobolka Saaxil ka soo jeedana waxaan leeyahay dhuumashada dhabarku muuqdo ha layska daayo oo waajibaadkiinna Qaranku idiin igmaday qabsada intaad Shir-beeleedyada abaabulaysaan.
Guud ahaanba waxaan bulshada Somaliland ugu baaqaa in laga waantoobo shirar-beeleedyada aynu sagaashamaadkii ka soo gudubnay, ee aynu dawladnimada waynayn lahayn, dimuquraaddiyadda kobcin lahayn ee aynu qabyaaladda iyo is beelaysiga meesha ka saari lahayn ee ay Somaliland mid noqon lahayd, waxaan leeyahay taa hallagu dedaalo, Shirarka beelahana halla joojiyo.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com