Kenya: Shacabka Oo Fursad Loo Siiayay Nidaam Ku Cusub Africa Oo ay Kula Xisabtamaan Dawladooda




Nairobi-(Berberanews)- Dawladda Kenya, ayaa markii u horraysay shacabkeeda u soo bandhigtay nidaam casriya oo ay ku ogaan karaan waxqabadka dawladda, islamarkaana fursad u siinaya inay ka qaybgalaan fulinta qawaaniinta sharci iyo inay ogaadaan sida masuulliyiintu u kharash-gareeyaan lacagta ummadda.
Muwaadiniinta Kenya  waxa loo sammeeyay website ay ku kaydsanyihiin dhammaan macluumaadka dawladdu ku maamusho dhaqaalaha dalka iyo sida uu u baxo iyo doorka ay ku yeelan doonaan dadku fulinta distoorka si ay dawladda ugula xisaabtamaan, kaasoo noqon doona website-kii ugu horeeyay, uguna weynaa ee laga helo macluumaad dawladeed oo laga hirgeliyo dalalka ka saxaaraha ka hooseeya.
 
“Macluumaadku waa awood, anaguna waxaannu qorshahan uga dan leenahay inaanu shacabka awooda ku wareejinno, si aanu kor ugu qaadno oo ay geli karaan macluumaadka aan la isticmaali Karin, taasoo ahayd mid aanay shacabku awood u lahayn markii hore.” Sidaa waxa yidhi Dr Ndemo
Macluumaadka webkan oo lagu magacaabo  (www.opendata.go.ke) portal-kan laga heli doonaa waxa uu u badnaan doonaa macluumaadka wasaaradaha maaliyadda, qorshaynta, Dawladaha hoose, caafimaadka iyo  tacliinta, waxaana sidoo kale qaybo ka mid ah helaya baanka adduunka iyo qarammada midoobey.
Dalka Kenya oo lagu tiriyo dalalka uu musuqmaasuqa badani hadheeyay, ayaa sannadihii u danbeeyay dedaal xoog leh ugu jirta sidii ay xididada ugu siibi lahayd, una kasban lahayd kalsoonida shacabka oo aad u liidata iyo ta rayul-caamkaba.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com