Ardayda Fasalada Afaraad ee Magaalada Hargeysa oo ka Dareeray Imtixaan Ay Ku Jireen iyo Faddeexadaha Kala Iibsiga Imtixaannada Oo Sii Socoda

Hargeysa -(Berberanews)- Qaar ka mid ah ardayda Fasalada Afaraad ee imtixaanka shahaadiga ahi uga socdo dugsiyada caasimadda Hargeysa, ayaa maanta ka dareeray maadooyinkii laga qaadayey, isla markaana mudaharaad sameeyey.
Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka uga socda fasalada afraad oo ay ka dhasheen fadeexado qaar ka mid ah maadooyin la helay ka hor intii aan imtixaankoodii loo fadhiisan, ayaa maadooyinkii maanta la qaaday waxa hadheeyey magaalada Hargeysa weji kale oo uu yeeshay oo isugu jira qaadacaad iyo mudaharaad.
Maadooyinka maanta la qaaday oo kala ahaa taariikh iyo businis (history and business), waxa la sheegay in nuqulo ka mid ah xalay la helay, iyadoo suuqyada iyo meheradaha waraaqaha koobiyeeya mashquul ahaayeen.
Haseyeeshee, imtixaankii saaka ardayda laga qaaday ayaa noqday mid weji kale leh oo aan haba yaraatee ahayn kii habeenimadii la kala iibsanayey, waxaannu ku ardayda ku noqday mid aad u adag.
Sidaa daraadeed, ardaydii ku jirtay dugsiyada imtixaanka loogu talogalay ayaa markii ay arkeen wejiga uu yeeshay imtixaanku bilaabay inay ka dareeraan, iyagoo diiday inay ka shaqeeyaan, waxaanay isugu soo baxeen jidadka iyagoo imtixaankoodii sita.
Ardayda oo mudaharaad la hortagay goobo ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, waxay ku doodeen in imtixaanka la beddelay xalay kadib markii laga war helay inay heleen kii hore, isla markaana loo keenay imtixaan aad u adag oo aanay casharadiisa dhigan. Waxaan markii dambe ardaydaasi ka kala eryey goobihii ay isugu yimaadaan Ciidammada booliska.
Imtixaankan bilaabmay ayaa markii sadexaad fadeexado  ka hor yimaadeen. Kadib markii Ardaydu suuqa ku kala iibsatay maadooyinka uuka kooban yahay, taas oo wejigabax ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana raad xun  ku yeelanay mustaqbalka Ardayda  Somaliland iyo taariikhda waxbarashada.
Imtixaankan oo ay Sanadkan u fadhiisteen in ka badan 15500 oo Arday oo isugu jira Dugsiyada dhexe iyo kuwa Sare ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo ay Ardaydu habeen walba si fudud u helaan maadooyinka Imtixaankii ay subaxnimada u fadhiisnayaan, iyagoo goobo khaas ah ku kala sawirta.
Maadooyinka V6  iyo Ingilishta oo ay maanta u fadhiisteen Ardayda Dugsiyada sare ayaa xalay lagu kala iibsanayay goobo ka mid ah magaalada Hargeysa, iyagoo Ardaydu saxmad ka dhigay goob waraaqaha lagu copy gareeyo oo ku taala wadada Total  ee xaafada Xidigta ee ku taala Koonfurta magaalada hargeysa. Sidoo kale goob kale oo ku taala xaafada Jig-jigayar  ee dhinaca galbeedka Magaalada  hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha Ardaydu warqaaha Imtixaanka ku kala sawiranayeen, iyagoo qaar kalena isugu dirayeen E-mailka.