Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U La Soo Wareegtay Difaaca Da’da Yar Ee France Raphael Varane.

(Berberanews):-Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u la soo wareegtay difaacii kooxda Lens Raphael Varane, heshiis aan la shaacin qiimahiisa.
Ciyaaryahankan ku jira xulka Faransa ee da’doodu ka hooseyso 21 ayaa maray tijaabada caafimaadka waxaana uu qalinka ku duugay heshiis 6 sanno ah taasoo micnaheeda tahay inuu ku negaano Santiago Bernabeu ilaa 2017ka.
Varane, oo ciyaarihiisa koox weyn la bilaabay sannadkii hore kooxda Lens, ayaa ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka fiican leh ee dalka Faransiiska inkastoo kooxdiisii hore ay u laabatay heerka labaad.
Markii uu imaanayay garoonka caasimada Spain Varane waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u saxiixo Real Madrid oo xilli ciyaareedkii hore kaalinta labaad ku dhameysatay La Liga.
Saxiixiisa oo la rumeysan yahay inuu ku kacayo 10 milyan euro, ayaa waxa ay la micno tahay in Ezequiel Garay, uu ka tagi dooni kooxda.
Varane ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee xagaagan ay la soo wareegto Real Madrid, waxaana ay hore u la soo wareegeen Nuri Sahin, Hamit Altintop iyo Jose Maria Callejon.
Agaasimaha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa dhawaan amaanay Varane isagoo isbarbar dhigay 18 jirkaan iyo difaacii hore ee France Laurent Blanc.
Mustafe Maxamuud Diiriye “Kastam”
shaafici_3@hotmail.com
Berberanews