Ciidammada Ilaalada Madaarka Berbera Oo Gacanta Ku Dhigay Bagaash Sifo Sharci Darro ah Looga Saarayay iyo Faddeexadaha Dul Hoganaya Xafiiska Maaliyaddu Ku Leedahahay

Berbera-(Berberanews)- Ciidanka ilaalada Madaarka Berbera, ayaa caawa gacanta ku dhigay agab aan la cashuurin oo la damacsanaa in sifo sharci daro ah looga saaro.
Taliye-ku-xigeenka Rugta Madaarka Berbera Yusuf Cabdi Dirir oo khadka telefoonka ugu waramay shebekadda Berberanews, ayaa xaqiijiyay inuu qabtay bagaash ay doraad keentay diyaaradda Jubba oo laga been abuuray tirada rasmiga ah ee lagu cashuuray oo la musuqmaasuqay, isagoo arrintaa faahfaahin ka bixinaya waxa uu yidhi,”Magacaygu waa Yusuf Cabdi Dirir, waxaan ahay taliye-ku-xigeenka Rugta Madaarka Berbera
Waxa dhacday in maalintii doraad  shirkadda diyaaradah Jubba laga rogay bagaash moobilo ah oo ay leeyihiin laba ganacsato, kuwaasoo maanta la cashuuray si loola baxo, moobiladaas oo tiradoodu dhammaayeen 4400 oo xabo waxa juwanka cashuurta lagu jaray1500 oo xabo, iyadoo la luunsaday 2900.”
 
Taliye-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in markii uu qabtay agabkan ay isku af-dhaafeen Taliyaha Rugta Madaarka Berbera oo isku dayay inuu sii daayo, balse aanay u suurtagelin, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Alaabtaas waxaan gacanta ku dhigay caawa markay baxaysay, dabadeedna Taliyihii Rugta Madaarka ayaa iga codsaday inaan sii daayo, waanan diiday, dabadeedna askartii buu ammar ku siiyay inay albaabada ka furan, askartiina way diideen oo waxay yidhaahdeen, waa tuugo la qabtay’, sidaasaana aanu ku hayno.”
 
Taliye-ku-xigeenka Madaarka Berbera Yusuf Cabdi Dirir waxa uu sheegay in saraakiil ka socota wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo bileysku ay maalinta beri ah baadhitaan ku sammayn doonaan alaabtan oo haatan dhex taala Madaarka Berbera, “Waxaana loo balansanyahay maalinta berrito ah in baadhitaan ay ka qaybgelayaan Kastamka iyo bileyska oo wada socda lagu sammeeyo agabkan oo la fatasho, waxaana ila soo hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo yidhi ‘intaan idiin imanayo alaabta haya’. Ayuu yidhi Taliye-xigeenku.
 
 
Muddooyinkii u danbeeyay waxa soo if-baxay faddeexado musuq, ka dib markii maamule ku xigeenkii hore ee kastanka Berbera Maxamed Cali Cumar (Halaasi)  uu soo bandhigay waraaqo been abuura oo la doonayay in lagu luunsado cashuur xad dhaaf ah arrintan oo markii ay soo ifbaxday sababtay in masuuliyiin wasaarada maaliyada ka tirsan oo uu hogaaminayo Agaasimaha waaxda kastamada ee wasaarada maaliyada Cali Dhagoole yimaado xarunta kastanka Berbera si uu arrintan wax uga ogaado.
Agaasimuhu waxa uu helay luunsi iyo musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay oo ay ugu weynayd waraaqaha cashuuraha Entry-ga loo yaqaan oo faalsooyin ah oo ay ku qornayd cashuur 8 millyan ah halka markii danbe loo jaray (under collection) laga shubay cashuur 51millyan ah taas oo sababtay inuu markiiba Agaasimaha Guud ee wasaaradu sameeyo isku shaandhayn maamulkii Kastanka Berberana waxa loo bedelay xarunta cashuuraha bariga Hargaysa,hase yeeshee isku shaandhayntan waxa markiiba ka soo hor jeestay Wasiirka Maaliyada oo markaa dalka dibada uga maqnaa arrin caafimaad isaga oo khadka telefoonka kula soo hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada una sheegay inuu joojiyo isku shaandhayntaa illaa uu isagu dalka dib ugu soo noqonayo,arrintan oo khilaaf horleh ka dhex abuurtay Agaasimaha iyo maamulaha kastanka Berbera.
 
Muddo yar dabadeed waxa soo baxday arrin labaad oo iyana isku day cashuur luunsi ah taas oo gaadhaysa 120,000,000 millyan taas oo ahayd xadhkaha Kaybalada Telifoonada oo dhererkoodu ahaa 1000m laga dhigay 300m oo kaliya si loo lumiyo cashuurta 700m.
 
Sidoo kale, intii wasiirku maqnaa waxa is-maandhaaf  xoog lehi ka abuurmay xafiiska kastamka Madaarka Berbera oo wasiirku hore ugu u magacaabay saddex masuul oo kala ah  maamule iyo laba ku xigeen, halkaasoo uu ka dhashay  is-maandhaaf ka dhashay  sida loo maamulayo qaybta wasaarda maaliyadu ku leedahay madaarka Berbera taas oo markii danbe laga wareejiyay maamulka Berbera loona soo magacaabay shaqaale ka madaxbanaan kastanka Berbera,ayaa waxa iminka hadana bilaabmay khilaaf labaad ka dib markii uu maamulaha kastanka Berbera Cali Bulbul shaqaale dheeraad ah dul dhigay shaqaalhii hore ee madaarka joogay ka dib markii uu wasiirku xilalkii ka qaaday labadii ku xigeen intaanu wadanka ka dhoofin kuwaas oo ay isku maandhaafeen gacan ku haynta qaybtaas iminkana waxa buux dhaafiyay madaarka shaqaale laga soo diray Hargaysa iyo kuwa iminka Berbera lagaga daray.
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland