Isku Aadka Horyaalka Ingariiska Ee Xilli Ciyaareedka 2011-12 Oo La Soo Saaray.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester United ayaa u safri doonta West Brom maalinta ugu horeysa ee xilli ciyaareedka 2011-12, halka Liverpool ay Anfienld ku marti gelin doonto Sunderland.
Kooxda Sir Alex Ferguson ayaa garoonka The Hawthorns tagi doono 13ka August, labada ciyaarood kale ee ku xiga waxa ay Old Trafford kula ciyaarayaan Tottenham iyo Arsenal. Kulankooda ugu danbeeya ee horyaalka waxa ay 13ka May ee sannadka soo socda la ciyaari doonaan Sunderland.
Arsenal ayaa ku bilaaban doonta kooxda Newcastle. Chelsea, ayaa iyadana u safri doonta kulankooda ugu horeeya kooxda Stoke City.
Liverpool  ayaa kulankooda ugu horeeya la ciyaaraya Sunderland taasoo la mico ah in ciyaaryahanka cusub ee Reds Jordan Henderson  uu ka horimaando si deg deg ah kooxdiisii hore.
Manchester City’ ayaa kulankeeda ugu horeeya ee horyaalka waxa ay la ciyaari doontaa kooxda heerka kowaad u soo dalacday ee Swansea.
Ciyaaraha kale ee kulamada ugu horeeya horyaalka Ingariska Tottenham iyo Everton ayaa ku kulmaya White Hart Lane, Fulham iyo Aston Villa iyagana waa ay is qaabilayaan.
Ciyaaraha lagu furayo horyaalka Ingariiska, August 13, 2011:
Blackburn v Wolves
Fulham v Aston Villa
Liverpool v Sunderland
Manchester City v Swansea
Newcastle v Arsenal
QPR v Bolton
Stoke City v Chelsea
Tottenham Hotspur v Everton
West Brom v Manchester United
Wigan Athletic v Norwich
Ciyaaraha Adag ee ugu soo horeeya horyaalka
Arsenal v Liverpool – 20 August
Manchester United v Tottenham – 20 August.
Manchester United v Arsenal – 27 August
Tottenham v Manchester City – 27 August
Manchester United v Chelsea – 17 September
Tottenham v Liverpool – 17 September
Tottenham v Arsenal – 1 October
Liverpool v Manchester United – 15 October
Manchester United v Manchester City – 22 October
Chelsea v Arsenal – 29 October
Chelsea v Liverpool – 19 November
Liverpool v Manchester City – 26 November
Chelsea v Manchester City – 10 December
Manchester City v Arsenal – 17 December
Tottenhan v Chelsea – 20 December
Ciyaaraha ugu danbeeya horyaalka Ingariiska, May 13, 2012
Chelsea v Blackburn
Everton v Newcastle
Man City v QPR
Norwich v Aston Villa
Stoke v Bolton
Sunderland v Man Utd
Swansea v Liverpool
Tottenham v Fulham
West Brom v Arsenal
Wigan v Wolverhampton.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com