Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire Oo Ku Eedeeyay Wasiirka Ganacsiga Inuu Khal khal iyo Fawdo Ka Dhex Abuurayo Ganacsatada Somaliland

Berbera-(Berberanews)- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay magaalada Berbera waxa uu eedo kulul u soo jeediyay Wasiirka Ganacsiga iyo wershada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif.
 
Xildhibaan Naasir waxa uu ku eedeeyay wasiirka Ganacsigu inuu iska hor keen iyo khal khal ku ridayo ganacsatada reer Somaliland ee shiidaalka soo dejisa, isagoo bixiyay ruqsad labaad oo uu shirkad kale ugu ogolaaday inay shiidaalka diyaaradaha dalka keenaan, indhahana ka laliyay ogolaansho agaasimaha guud hore u siiyay shiradda Jet oil oo shalay dalka keentay shiidaalka cad ee diyaaradaha oo kala go’naa.
 
Xildhiban Naasir waxa uu baaq u diray madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo iyo cidkasta oo arintani khusaysaa inay si dhakhso ah wax uga qabtaan tallaabada uu wasiirku qaaday, haddii kale ay dhaawac u geysan karto guud ahaanba nabadgelyada.
 
Shirka jaraa’id ee xildhibaan Naasir oo dhammaystirani waxa uu  u dhigaan sida;
”Shirkaygan jaraa.id waxaan u qabtay waad ogeydeen oo waatii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland 22/05/2011 uu shirkadii Total ka joojiyay hawlihii shaqo ee ay ka haysay Haamaha shiidaalka ee Berbera waxa kaloo iyana jirtay in aanay baryahan danbe shirkadaa Total Si tartiiba oo shaqadeeda ah aanay ushaqeynayn in mudo ah waxaanay taasi keentay in shiidaal fara Badani kala go’o oo xitaa waxa kala go,ay shiidaalkii diyaradah ee Jetka loo yaqaanay, markaa waxa Jirtay in uu agaasimaha guud ee wasaraada ganacsiguna uu siiyay shirkad ganacsi si ay u keenan gaasta Diyaaradaha si aanay u kala go,in waxaana ilaahay wax lagu mahadiyo ah in shiidaalka diyaaraduhu si Dagdaga ay ukeenaan ganacasatada uu ka dalbaday agaasimuhu inay keenan, waxaana suurta gashay In Ay diyaradihii shiidaalka ka qaadan jiray garoonka diyaaradaha ee berbera ay si sahlan uga qaatan laakiin waxan nasiib daro ku tilmaami karaa in ay hadana wasaaradii ganacsigu ay Shirkad kale siisay ruqsad ay ku keento gaasta waxaana sidaas sameeyay wasiirka wasaarada Gancsiga Iyo warshadaha Cabdirisaaq Khaliif oo uu ku amray agaasimihiisa in uu mar labaad saxeexo heshiis kale oo shirkad ganacsi leedahay taasna waxaad moodaa in ay wax weyn u dhimayso nidaamkii ganacsiga iyo Qeynuunkii u yaalay .
 
 
Waxa kaloo aanu hore ula soconay wasiirka ganacsigu intii uu xilka hayay oo mudo Koobana uu heshiis lagalay ganacsato kaluunka ka keenta Moqdisho Somaliya iyadoo uu buuxo kaluunkeeni ayna jiraan kaluumeysato reer Somaliland ah oo ka ganacsada kaluunka taasi waxaanay dhabar jab ku noqotay ganacsatadii kaluunka ee reer Somaliland gaar ahaan kuwa reer berbera Waxaanad moodaa wasiirka ganacsigu in uu yahay wasiir aan aqoon shaqadiisa  oo aan fahamsanayn shaqada uu Qaranka Somaliland uhayo islamarkaana uu abuurayo fawdo iyo khalkhal iska horkeen Isaga oo aan wadan qorshe cad oo uu ku hago wasaaradiisa  qorshe maamulna u noqon kara markaa waxa aan Baaq usoo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)iyo cidkasta oo arimahaa ku shaqale wasiirka wasaarada ganacsigu Cabdirisaaq Kahaliif iska horkeenka uu kawado shirkadaha ganacsiga ee reer Somaliland taas oo hadii uu kusii Wado keeni karta wax waxyeela nabada galiyada Jamhuuriyada Somaliland.”
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com