Hanti-dhawrka Qaranka Oo Xabsiga Dhigay Xoghayihii Dawladda Hoose Ee Burco

Burco- (Berberanews)- Ciidamada booliska, ayaa shalay xabsiga u taxaabay xoghayihii dawladda Hoose ee magaaa Burco Cabdiraxmaan Maxamuud Xasan.
Xadhiga Xoghayaha dawladda Hoose ee Burco, ayaa la sheegay inuu bixiyay Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud ee qaranka Maxamuud Aw-cabdi oo isaga iyo xubno weheliyaa ay maalmihii u danbeeyay gulufyo baadhiseed ka wadaan magaalada Burco.
Xadhiga masuulkan, ayaa la sheegay inuu ka dhashay baadhitaan hantidhawrku ku helay musuqmaasuq iyo wax-is-daba marin uu xoghayuhu ku kacay, inkasta oo aan la soo bandhigin eedaha musuqmaasus ee loo jeediyay iyo xadiga uu leegyahay.
Sidoo kale, waxay hanti-dhawrku toodbaadkan gudihiisa xabsiga dhigeen khasnajigii dawladda hoose ee Burco, iyadoo shaqadii laga joojiyay xisaabihii iyo hanti-dhawrkii gobolka Togdheer.
Hanti-dhawrka ayaa la filayaa inay gulufkooda ku soo eekeeyaan todobaadkan gudihiisa magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, halkaasoo ay baadhitaanno la mid ah kuwa ay ka sammeeyeen Burco iyo Gabiley ka bilaabi doonaan.
Berberanews.com
Burco, Somaliland
Email, info@berberanews.com