Scholes Oo Go’aan Ku Gaadhay In Uu Ciyaaraha Ka Fadhiisto Xili Ciyaareedkan

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa qorsheynayo in uu gebi ahaanba ka fadhiisto ciyaaraha marka uu dhamaado xili ciyaareedkani.Scholes ayaan wax xiiso ah xiligaan u heynin in uu ku sii  dhex  jiro garoomada kubada cagta wixi ka danbeeya ciyaarta finalka Champion League ee dhici doonto todobaadka danbe.Scholes oo 36 jir ah ayaa wakhti wanaagsan ku soo qaatay Kooxda Manchester United iyo garoonka Old Traffold waxa uuna haatan rabaa in uu kabahiisa ka qaato garoomada Kubada Cagta.in kastoo ay socdaan dadaalo uu wado Tababare Ferguson oo ku saabsan sidii loogu qancin lahaa Xidigii hore ee xulka England in uu sii wato ciyaarahiisa balse Scholes ayaa ku adkeesanaayo in uu soo dhamaaday waayihiisa kooxda Manchester United.Kooxda Manchester ayaa xiligaan waxa  ay heysataan xidigo buuxin kara booska Paul Scholes haduu uu ciyaaraha ka fadhiisto balse Tababaraha kooxda Manchester United ayaa rumeeysan in Scholes uu yahay xidiga lagama maarmaan ah oo muhiim u ah kooxdiisa.
Mustafe “kastam”
shaafici-3@hotmail.com