Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Casho Sharaf U Sameeyey Orodyahanadii Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Lagu Xusaayey Munaasibada 18-May

Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Casho Sharaf U Sameeyey Orodyahanadii Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Lagu Xusaayey Munaasibada 18-May Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa xalay Hotelka Emperail ee Magaalada Hargeysa Casho sharaf qiimo badan ugu sameeyey Orodyahanadii kaalmaha hore ka galay tartankii orodka ee lagu xusaayey munaasibada 18-may. Haddaba munaasibadan casho sharafta ah ee ay xalay qabteen xidhiidhka ciyaaraha fudud ayaa waxa ka soo qayb galay Xidhiidhka Ciyaaraha fudud, Guddiga Olombikada iyo Orodyahadii kaalmaha hore ka galay tartankaas xuska 18-may lagu xusaayey. Guddoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha fudud Siciid Mire oo ugu horeyn casho sharaftaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo hogor tusaale u soo jeediyey orodyahadii kaalmaha hore ka galay tartanka orodka, kuwaas oo ugu baaqay inay dadaal iyo karti la yimaadan si ay ula tartamaan orodyahada caalamiga ah, iyo si ay uga qayb galaan tartamada caalamiga ah, waxaanu Guddoomiye ku xigeenka Ciyaaraha fudud Siciid Mire uu balanqaaday inay ID Card u sameeyey Orodyadana isla markaana ay gayn doonan Koobiyada wadamada aynu jaarka nahay si ay magac iyo Maamus ugu noqoto. Wax isna munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud Cumar Qoob-naaje oo isna ku taliyey inay orodyahanadu ka taliyaan horumarkooda iyo mustaqbalkood danbe. Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdi Xaddi oo isna sidoo kale Casho sharaftaas ka hadlay ayaa si qoro dheer uga hadlay xeerka iyo shuruudaha looga baahan yahay orodyahanka, waxaanu si mug leh uga hadlay mudadii koobanayd ee afarta bilood ahayd ee ay xilka hayeen iyo horumarka balaadhan ee ay ka sameeyaan tartanka orodka.
Xoghayaha Olombikada Qaranka Khaalid Jaylaani oo isna hakaas ka hadlay ayaa ugu baaqay in orodyahadu ay iska ilaaliyaan Balwadaha, taas oo uu ku tilmaamay inay dhib iyo dib u dhac ku keenayso mustaqbalkooda.
Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Maxamed Yuusuf Cirro oo munaasibada ka hadlayey ayaa orodyahanadii halkaas joogay ku dhiirigeliyey inay dadaal muujiyaan oo ay is ogaadan, isla markaana ay ka fikiraan dantooda iyo hurmarkooda.
Wax sidoo kale iyana casho sharaftaas ka hadlay qaar ka mid ah Orodyahadii kaalmaha hore ka galay tartankaas, kuwaas oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyey xidhiidhka ciyaaraha fudud.
Mustafe M. D “kastam”
shaafici_3@hotmail.com