Diyaarad Laga Leeyahay Kenya oo Shaacisay inay Amni-darro iyo Rakaab Yaraan Darteed u Joojisay Duulimaadyadeedii Hargeysa

Nairobi 11, May, 2011 (Berberanews)- Diyaarad laga leeyahay waddanka Kenya oo magaceedu yahay Jetlink Airline oo toddobaadkiiba laba jeer duulimaad ku iman jirtay caasimadda Hargeysa, ayaa ku dhawaaqday inay sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka iyo rakaab yaraan ay gebi ahaanba u joojisay duulimaadyadii ay ku samayn jirtay Somaliland.
Sidaa waxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga dhawaaqay shalay agaasimaha maaraynta shirkadda diyaaradaha Jelink oo inta badan ka shaqaysa dalalka Geeska Afrika Mr. Elly Aluvale, isagoo xusay inay xilligan gebi ahaanba joojiyeen duulimaadyadii shirkadoodu ku iman jirtay madaarka caalamiga ah ee Egal ee magaalada Hargeysa, duulimaadyadaas oo ay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2010 dalka ka bilaabeen.
“Ammaan-darro ayaannu u joojinay duulimaadyadayadii, iyada oo cabsida ugu weyn ee dadkuna ahayd kooxda Al-shabaab oo laga cabsanayo haddii dhinacaa loo safro. Dhinaca kale wax faa’iido ah nagamay soo galayn duulimaadka Hargeysa oo waxa jiray rakaab yaraan,” ayuu yidhi agaasimaha maaraynta Shirkadda Jetlink.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka jira ammaan buuxa, lamina mid ah Soomaaliyada dagaalada iyo rabshaduhu saamaynta qallafsan ku yeesheen, balse ilaa hadda Somaliland ictiraaf caalami ah kamay helin dunida, waxana loo aqoonsan yahay inay tahay maamul-goboleed xasillooni ka jirto oo Soomaaliya ka tirsan, sidaa darteed ma cadda ammaan-darrada shirkadda Jetlink ka cabanayso.
Shirkadda diyaaradaha ee laga leeyahay Kenya ee Jetlink Airline, waxa ay Hargeysa duulimaadyo ku iman jirtay maalmaha Isniinta iyo Jimcaha toddobaad kasta, “Laba maalmood toddobaadkii safar aanu ku tagno Hargeysa kamaanu heli jirin rakaab nagu filan oo marba marka ka dambaysa hoos ayey u sii dhacayeen,” ayuu yidhi masuulka u hadlay Jetlink Airline.
Maamulka Somaliland, ayaa markii shirkaddani duulimaadkeeda ka bilawday Hargeysa sheegay inay tahay faa’iido dalka u soo hoyatay, maadaama ay tahay dariiq u furaya inay ku xidhmaan ganacsiga mandaqadda bariga Afrika, iyad oo diyaaradda Jetlink ay ka hawlgasho magaalooyinka Mambassa, Eldoretn iyo Kisumu oo dalka Kenya ah iyo magaalooyin ka kale ee Khartuum oo Suudaan ah iyo Jubba oo Koonfurta Suudaan ah.
Shirkadda diayaradaha Jetlink, ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda Somaliland haddii ay haggaagaan waxayabaha ay ka cabanayaan oo ka mid yihiin ammaanka iyo rakaab yaraanta.
Diyaaradda Jetlink kelideed kamay shaqayn jirin Somaliland, balse waxa jira diyaarado kale oo isaga goosha Somaliland iyo Kenya, iyada oo Shirkadda diyaaradaha ee East African Safari Air ay ilaa bishii February ee sannadkii 2010 waday duulimaadyo isaga goosha Hargeysa iyo Nairobi.
 
Jamhuuriya